War-Saxaafadeed: Adeegga ZAAD Sabab Uma Aha Sicir Bararka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Saxaafadeed: Adeegga ZAAD Sabab Uma Aha Sicir Bararka
January 25, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N) Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa jawaab ka bixisay eedaha loo jeediyay, iyo wareegtadii xukuumaddu kasoo saartay adeega Zaad, ee ahaa inay masuul ka tahay sicir bararka muddooyinkii u dambeeyay dalka ka taagnaa, waxaanay gebi ahaanba iska fogeysay arrintaas. War-saxaafaddeed ay soo saartay shirkaddu oo nuqul kamid ah Hubaal soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

“Annaga oo tixraacayna go’aankii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee xalalka sicir Bararka wadanka. Go’aamadaasi oo ay ka mid ahaayeen in “Adeegga Moobilka Lacagaha lagu isticmaalo” uu yahay sababta keentay sicir bararka dalka ka jira xilligan.

Shirkadda Telesom iyada oo dareensan xaaladda adag ee uu wadanku marayo iyo saamaynta abaarta iyo sicir bararku ku hayaan Bulshada, waxay markastaba soo dhoweynaysaa qodob kasta oo xal dhab ah u noqon kara sicir bararka.

Waxanu caddeynaynaa in aanu shirkad ahaan si mug leh uga shaqeynay xaaladaha sicir-bararka, oo aanu wakhtiyo kala duwan Xukuumadda Somaliland & Baanka Dhexe ku barbar istaagnay lacag Malaayiin Dollar ah si loo xakameeyo sicir bararka, isla markaana aanu si joogto ah uga bixinay tallooyin af iyo qoraalba oo kuwajahan kor-u-qaadista qiimaha shilling-ka Somaliland. Waxa kale oo xusid mudan in shirkaddu ku maalgelisay dhaqaale culus “Adeegga ZAAD Somaliland Shilling” si ay uga qayb-qaadato dhiirigelinta Shilling-ka.     Waxa marag-madoon ah in Adeegga ZAAD uu kaalin weyn kaga jiro horumarka Ganacsiga iyo isku-tiirsanaanta Bulshada, taasi oo tusaale ay u tahay gurmadka Abaaraha. Sidoo kale, adeegga ZAAD waxa uu noqday hawl-fududeeye kaalin lafdhabar ah kaga jira wax kala iibsiga iyo isu xawilka lacagaha.

SHIRKADA TELESOM

Sidaas darteed, Telesom waxay caddeynaysaa in adeegga ZAAD aanu marnaba sabab u ahayn “Sicir-Bararka” iyada oo 8-dii sannadood ee adeeggu uu shaqeynayay marxalado kala duwan uu sarifku soo maray oo qaarkood uu gaadhay halkii u hooseysay.

Shirkadda Telesom waa shirkad Qaran, oo ka shaqaysa danaha iyo horumarka bulshada, markastana u keenta adeegyo waxtar u leh, kana fog waxkasta oo dhibaateynaya ummadda.

Ugu dambayntii, ZAAD-ku waa adeeg ballaadhan oo bulshada Somaliland oo dhan isticmaasho miyi iyo magaalaba, muddo kooban oo 48 saacadood ah in lagu xadido waa mid aan marnaba caqli ahaan, farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona suurtogal ahayn.

saxeexa telesom

Allaa Mahad Leh

Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) Guddoomiye ku-Xigeenka Shirkadda Telesom

COMMENTS
LINKS