|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Qaraxyo Waawayn Oo Galabta Gilgilay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha ka Dhashay
January 7, 2017 - Written by Editor:Moqdisho (Wajaalenews):- Qaraxyo xooggan ayaa caawa goor dhoweyd fiidkii waxay ka dhaceen maqaayad shaaha laga cabo oo ku taalla isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Maqaayada ayaa waxaa la sheegay iney wax ka cuni jireen askar ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah. Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhashey sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ahi labo miino oo dhulka hoostiisa lagu aasay Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegaya iney arkeen qiyaastii toban ruux oo qaraxyadan dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen kuwaasoo isugu jiray askar iyo dad shacab ah. Ciidamada amaanka dowlada ayaa daqiiqado ka dib goobtaas gaadhay, iyagoo hakad geliyey socodka dadka iyo gaadiidka ee fagaaraha tarabuunka, waxaana la maqlayey rasaas ay hawada u ridayaan ciidanku
Related posts:Ururka Dhaliyarada Jiidali Oo Caawa Afur Iyo Casho Sharaf Ku Qaabiley Gudiga Qaban Qaabada Shirka Ba... DAAWO: Xukuumadda Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Dadkii Roobabku Ku Wax Yeeleeyen Gobolka Saaxil. ICG Oo Warbixin Ay Soo Saartay Somaliland Iyo Puntland Ku Eedaysay Inay Diideen Dublamaasiyadii Qara... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|