War Deg-Dega:Dooni Siday 593 Dibi Oo Ka Shiraacatay Dekeda Berbera Ayaa Xalay Ku Dagtay Badwaynta Cumaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Dooni Siday 593 Dibi Oo Ka Shiraacatay Dekeda Berbera Ayaa Xalay Ku Dagtay Badwaynta Cumaan
January 11, 2017 - Written by Editor:

Ceerigaabo(wajaalenews)waxaa xalay goor danbe ku degtay badwaynta Dalka cumaan doon siday 593 dibi oo sadex habeen ka hor ka shiraacatay maarsada Dekeda Berbera,Doontan oo lagu magaaci Jiray Al-axmadiya ayaa u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah iyada oo u sii jeeday maarsada SALAALA ee dalka cumaan.

Doonidan ayaa guud ahaanba xoolihii saarnaa ku qarqoomeen bada halka lagasoo badbaadiyay shaqaalihii saarnaa doonidan, Sida uu BBC da u sheegay wakiilka doontan oo lagu magaacbo C/raxn Cali Warsame.

Si kastaba ha ahaatee bada ayaa mudooyinkanba ahayd mid kacsan taas oo loo aanaynayo in dagida doontan ay sobob u ahayd

COMMENTS
LINKS