“Wadaadada Shiicada Inooga Waramaya Horta Iyagu Lilaahi Ma Yihiin Mise Waa Qandaraas Yar Oo Sucuudigu Maalgelinayo” ? Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wadaadada Shiicada Inooga Waramaya Horta Iyagu Lilaahi Ma Yihiin Mise Waa Qandaraas Yar Oo Sucuudigu Maalgelinayo” ? Muj Cali Guray
January 20, 2017 - Written by Editor:

MUJ Cali Maxamed  Yuusuf (Cali guray) Ayaa Si Cilmiyaysan uga hadlay shakina galiyay ujeedada rasmiga ah ee qaarkamida culimada Somaliland oo habeenkii xalay ahaa munaasibad lau qabtay huteelka guuleed kaga hadlayay farqiqa udhexeeya suniga iyo shiicada Hadba mujaahid cali guray oo qoraal uu arimaasi kaga hadlayo soodhigay barta uu ku leeyahay FACEBOOKGA AYAA UDHINAYD SIDAN;

Sunnigu ma isku sunni baa? Sawtii wadadii waynayd ee Ahlu Sunna Wal Jamaaca laga leexday ee wadiiqooyinka laga doortay ee Sunnigii iniba meel u luntay. Ma Sunni isku Sunni ah baa maanta jira? . “Kulu fidna cinda geel” baa la yidhiye sunnigii midaysnaa ee sharafta iyo karaamada lahaa mee? Sawkii fikirka Waahabiyadda la yidhaa helay ee ciddi wadiiqadooda lunsan raaci waydaba yidhi ” Musin maaha” ee hadana iyagi isa sii kala guray ee midba midkii kale gaaleeyay. Maanta sawirka ay dunigu ka haysato Sunnigu waa Takfiiriyiinta intii muslin ahayd ee kale oo dhan yidhi waa kufaar. Sunnigu saw maaha Daacish, Alqaaciida, Al Shabaab iyo Boko xaraam. Kuwa soo raacaana saw Salafiyiinta maaha. Maanta wax Sunni la yidhaa oo wada haysta oo wax wada rumaysani halkee buu jira.? Wahaabiyiinta aan takfiiriyiinta ahayni saw kuwa iyaguna Ikhwaaniyiinta lagu sheego maaha ee hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhsiisan yahayba Aduunyo ku koobn tahay ee lacag iyo xukunka u waashay ee aduunyo jacaylka ku lumay ee aan xataa masaakiintu dawarsan ey iskaga baydhaan?. Isku soo wada dar oo kuwa iyagu waxay doonaana xaaraameeya waxay doonaan xalaaleeya ee iyaga aan waxba ka xaaraanta ahayn maaha?

Laakiin caalamul Islaam waa la isku miyirsaday inta aan Shiico midaysan oo meel u wada jeeda oo iska caabiya kufaarta aan farta la isugu fiiqin horta dunida islaamka waxa ku kala adkaanaya Sunniga oo ama Wahaabiyadda Sucuudigu faafiyay baa la waayi ama Sunniga inta kale oo dhan baa la waayi.

Iran oo cunoqabatayn 30 sanadood Reer galbeedku saaray ayaa quwad ay qasab ku ogolaadaan noqotay. Sucuudiga Arabia oo saliidda ugu badan dunida soo saartana bal eega. Xuutiyeenta Yaman ayay mari waayeen iyaga oo hub nooc walba u adeegsaday. Muslinka fuqarada ah ayay dulmi yaqaanaan. Hadday kuwo mulinimo run ah ku dhaqmaya yihiin ma inaga oo xaaladeena la ogyahay oo gaaladu inoo qaadhaanto ay isha keliya inaga ridi lahaayeen oo dhoofka xoolaha inaga joojin lahaayeen. Bal waa wada taqaanaan eh kuwa aynu wadaadada nidhaa ee culimada inoo sheegta ee hadda shiicada inooga waramayaa horta iyagu Lilaahi ma yihiin mise waa qandaraas yar oo Sucuudigu maalgelinayo waxa ay wadaan. Anigu ma hubo laakiin waan ka shakisanahay waayo waa koox-diimeed aan dadka dhex u ahayn ee wax ku eega indho kooxaysan oo ku kooban kooxaysi cadaaladna ka fog

COMMENTS
LINKS