Waa Kuma Odayga Ama Siyaasiga Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco Ee Maanta Odhanaya Saleebaanow Joog Iyo Siiraanyow Joog Mise Waxay Ku Wada Socdaan Jidkii Ay Eeday Beeshii Siyaad Barre ?FAALO; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Odayga Ama Siyaasiga Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco Ee Maanta Odhanaya Saleebaanow Joog Iyo Siiraanyow Joog Mise Waxay Ku Wada Socdaan Jidkii Ay Eeday Beeshii Siyaad Barre ?FAALO;
January 26, 2017 - Written by Editor:

Taariikh Noocee Ah Ayaa Diiwaanka Ugalaysa Madaxwayne Siiraanyo Haduu Raali Ka Noqdo Afgambi Golaha Guurtidu Ku Sameeyo Heshiiska Komishanka Doorashooyinka Iyo Sadexda Xisbi Qaran Ee S/land??.

 Milicsiga  Kaalintii Warbaahintu Ku Lahayd Dardar Galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land Iyo Maanta +Weedhihii Madaxwayne Siiraanyo Kaga Hall Celiyay Muddo Kordhinti  Golaha Guurtidu  Lixda Bilooda Ugu Kordhisay Xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale isagoo waqtigaa  ahaa Gudoomiyihii iyo Murashaxii Xisbiga Kulmiye Sagaal Sanno ka hor!!.

HARGAYSA (Wajaalenews) Waa Hubaal in taariikhdu tahay mid isqoraysa waxaana xusid mudan marwalba ay muhiim tahay in dib loogu noqda Marxaladihii kala duwanaa ee uu dalka soo maray hirarkii siyaasada somaliland soo martay.

SALEEBAN IYO SIILAANYO 1

Waxanan qoramadeenan ku xisidoonaa Weedhihii Siiraanyo Sagaal Sanno Ka Hor “Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaan u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland iyo waxyeelo Wayn oo  loo gaystay Sharciga iyo xeerarka Dalka S/land…”

LABADA ODAY

Sagaal Sanno ka hor Mar Warbaahintu waydiisay  Madaxwayne Siiraanyo sida uu u arko Muddo kordhin Lix Bilooda oo Golaha Guurtida u sameeyay Madaxwayne Daahir Rayaale   28/3/2009  waxuu ku Jawaabay sidan“Waxaan u arkaa go’aan ayaan-daro ah. Dabcan, waa go’aan Guurti, laakiin waxaanu u arkaa inuu gabal-dhac ku yahay geedi-socodkii Dimoqraadiyadda Somaliland oo uu waxyeelo’aan laga soo waaqsanayn u geysanayo horumarkii dalka, kuna bilaabay jidkii Keli-talisnimada iyo xorriyad la’aanta inuu horseeday baan arkaa inuu yahay aad iyo aadna waan uga xumahay, waase go’aan sidaa aanu u aragno u dhacay. Midda labaad, waxa la yaabka lihi waxa weeye; Golaha Guurtidu wuxuu u xilsaaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin isagoo sabab uga dhigaya haddii ay dalka ka jirto Nabadgelyo-daro, waqtiga doorashadu dhacayso Nabadgelyo-daro jirto, weliba mid ah in aanay doorasho qabsoomi karayn. Dalka Somaliland wuxuu mar walba ku faanayay inuu xorriyad, xasilooni iyo degenaansho haysto, sababta qodobkaa loo cuskadayna waa wax aan suurtogelayn, Sharciga iyo Distoorka ku jirin oo ka gudubsan weeye. Midda saddexaad, Komishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay waqtiga qabtaan. Markaa, Komishanku waqti bay soo qabteen, wakhtigii ay soo qabteen laftigiisiina way ka gudbeen (Guurtidu). Waxa dhab iyo biyo kama dhibcaan ah inay dawladdu awoodo badan isticmaalaysay oo ay awoodo dhaqaale  loo isticmaalay.

SIILAANYO IYO SALEEBAAN

Iyadoo Maalin ku beegan 28/3/2009 oo Maanta Sagaal Sanno laga joogo ayay Golaha Guurtidu u Kordhiyeen Muddo Lix Bilood ah Madaxwayne Daahir Rayaale waxaana Xusid Muddan Jawigii Madasha iyo Loolankii adkaa ee Maalintaa dhex Maray Xilldhibaanada Golaha Guurtida ee Muddo Kordhinta u doonayay Xukuumadii Udub ee Madaxwayne Daahir Rayaale Hogaaminayay waxaa kale oo Xusid Mudan in Maalintaasi noqotay Muddo Kordhintii Koowaad ee Xilldhibaanada Golaha Guurtidu ku kala qaybsamaan iyadoo 35 Xilldhibaan Diideen Mudo Kordhin loo sameeyo Xukuumadii Madaxwayne Daahir Rayaale halka 40 Xilldhibaan Ogalaadeen Mudo Kordhinta Lixda Bilooda Hall Xilldhibaana ka aamusay Gudoomiyuhuna aanu codayn sidaana Xukuumadii Rayaale loogu Kordhiyay Muddo Lix Bilood ah.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan Foojignaantii Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ku Hagayay Shirka iyo Weedhihii uu waydiiyay Shir Gudoonka waaryaa u yeedhay Booliska ? Aqalkani waa Golihii Guurtida oo ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka S/land Maxaa keenay Booliska ? Su”aalahaa oo aanay uga Jawaabin Shir Gudoonku sababtoo ah Shir Gudoonka Golaha Guurtidu ayaa ku kala Aragti duwanaa Muddo Kordhinta .

Sagaal Sanno Ka Hor Aragtidii Xisbiga Kulmiye Ee Muddo Kordhinta.   

 Hogaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in go’aankii muddo kordhinta Madaxwayne Riyaale ee golaha guurtidu uu yahay mid baal-marsan sharciga iyo distoorka Dalka waxaanay war-murtiyeed laga soo saaray shirkaasi jaraa’id  oo uu ku qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye waxaanu Nuxurkiisu u dhignaa sidan:

“Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta Madaxwayne Rayaale waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn.

Xisbiga KULMIYE wuxu u arkaa Go’aankii Guurtida ee 28ka March 2009 ee loogu kordhiyey MADAXWEYNAHA muddada lixda bilood ah mid baalmarsan sharciga, Xeerarka Dalka ,Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land .

Ugu Danbayn waxay Bulshada S/land isha si gaara ugu hayaan  Go”aanka Madaxwayne Siiraanyo ka qaadan doono mar hadii isaga Talada u danbaysaa Gacantiisa ku jirto Hadii Golaha Guurtidu Afgambiyaan Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku wada Gaadheen waxaana hubaala in Madaxwayne Siiraanyo haduu ka raali noqdo Muddo kordhin Khilaafsan Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka ay wada gaadheen ay Dhag Xumooyin Taariikheed ka raaci doonaan Waxaan qormada ku soo Gunaanadayaa Su”aaShan  .

1: Waa Kuma Odayga Ama Siyaasiga Ka Soo Jeeda Beesha Bariga Burco Oo Maanta Odhanaya  Saleebaanow  Joog Iyo Siiraanyow Joog Mise Waxay Ku Wada Socdaan Jidkii Ay Eeday Beeshii Siyaad Barre ?

XOGTA DURUGSAN IYO DIIRADA WAJAALENEWS

Wajaalenews desk

Hargeisa office

Email;wajalenews@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS