Ummaddii Harraad Baa Jariyo Halas Abaareede Hagran Maysid Adiguye Allow Hodanka Soo Meeri (Dawlad La’aan Iyo Dad La/aan Dheh). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ummaddii Harraad Baa Jariyo Halas Abaareede Hagran Maysid Adiguye Allow Hodanka Soo Meeri (Dawlad La’aan Iyo Dad La/aan Dheh).
January 7, 2017 - Written by Wariye:

Weligay is maan odhan waxaa waddanka Somaliland heli dawlad xumo iyo dad xumo, dawladu haday xumaato waaba la bedeli karaa laakiin dadka oo xumaada waa (bulshada’e) maxaa lagu bedeli karaa illaahay (sw) oo nasri xagiisa ka keena mooyaane, waxaa ina haysta abaaro aad u xun oo dad iyo duunyo halaakeeyey dawladii iyo xisbigii ay ku  soo baxday waxayba bilaabeen maalintay u darayd xaflado iyo dabaal degyo iyo Olole hor leh, garan mayno ciday is leedahay haydin doortaane waar dhulku ma guuree dadkuse waa guuraa oo waa la dhimayaa waana laga qaxaa halkii kugu xumaata miyaanay garanayn dadka daba qabateeya.

Ummaddii harraad baa jariyo halas jiilaale
Halistiyo colaadahan allow ka hinjiyoo dhaafi

Nabad baa hoyaad lehe rabboow nagu hanuun khayrka
Rabboow roobka soo hooriyoo harada noo buuxi
Cirku heego malahoo dhulkii waa halwanayaaye
Hogoshii gu’sooriyo la waa hilinkii dayreede

Waxaa igaga sii daran dadkii Somaliland ee u gurman lahaa dadkaa iyo xoolahaa rogmaday waa maalintii laysu damqan jiray waa maalintii State of Emergency la soo rogi lahaa waxaaba loo sii fadhiistay Qaad waxay sheekaduba maraysaa Qayiloo marka lagu qabtuun arag, wixii dhimanaya maxaa iga galay hadii xooluhu baxaan oo dadku dhinto magaalo malagu noolaanayaa dee waa maya, waxaa lacagteenii adkayd ee dadkaa caawin lahayd loo sii sidaa waagii beryaba Ethoipia miyaa la garan waayey saddex bilood Qaadka waanu joojinay xaalad degdega awgeed.

Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
Belaayadu intay huruddo baad samo hoyaaddaaye
Habeen bay masiibadu dhaxdaa waa hadh labadiiye
Ilaahay halkuu kuu gartana hubanti weeyaane
Hoo iyo walaal bay rabaan hiilo gacaleedee
Afartaa hadyaad duca ah iyo hirar nabaaddiino
Hilibka I damaqaayiyo dareen huriyey laabtayda
Huqda aan dhammaanayn qalbiga hibashadiisii dheh
Hodonkaan durraansaday Allow adigu noo hiili

Culimada canaanan maayo waayo dadka ayaa ka tiro badan iyaguna inta tabar tooda ah way dhaq dhaqaaqaan balse shacabkan qayilaya ee lacagtoodii waddan kale gaynaya ee walaalkii oo dhimanaya aan dan ka lahayn miyaanu ogayn in waxa ka mamnuucay caawintiisa ay daroogo tahay, xagee loo socdaa anigu waan yaabanahay dadkani miyey dalka naceen dee Ethoipia haku wareejiyaan, waa kuwaa imikaba birihii iyo wixii nafta lahaa qaataye ee meel walba la wareegayaa Erayga can baxay (Bedel Bedel) oo ah dalka iyo dadkaba Bedel.

Qoorgooyadeenii miyaa xabashi qoondeeyey?
Qabriguna sad weeyee dugaag maydka ma u quudhnay?
Qufta iyo waraabaha miyaa qaarar kala jiitey?
Ma qasaareheenaa waxgarad qoomamada ooyey?

Kama quusto qawlkii alliyo qadanka diineede
Nin quraanka tuugaan waqiis eebbe qadinayne
Qaylada badhkeen diri miyaa qiima gelidoonta?

Hadimadan la qoofalay miyaan dib u qarsoomaynin?
Qaradkaa shisheeyaha miyaan waana qumidoonin?
Qatartiyo dhibaatada miyaa waaxid naga qaadi?

Qoqobadan na loo dhigay miyaan qeydo noqondoonin?
Qoyskiyo dirkaan nahay miyaan kala qaloondoonin?
Qaybaha israacood miyaa nacab qamuunyaysan?

Qader lama tilmaamiyo wedkoo soo qandoodsaday e
Qorrax soo baxdaba xaajo waa qaalmarogataaye
Qani iyo faqiir baa mar qudha qalin isdhaafshaaye

Qalbacyada intuu lohod ku jiro qudhi itaalkiise
Mar haddii libdhada loo qayoxo waa qalalayaaye
Intaad aniga nabar lay qarshiyo qodaysi iilkayga

Quruumahan “melesow” kun sano qoolka lagu roorshey
Oo quudhsi awgii dadnimo loo qaderinwaayey
Qanidigay dhigaan baa ku filan salabna qaatane

Qaskaad nagu wadaa weyneheen qoorta kuu geline
Idinkaa qiyaastiyo xilliga qaamudkiin galay e
Ha ka qoomamoon waxa dambayn qaranjabkiiniiye

Dr Toosiye

Jamal Adam <jmladam413@gmail.com

COMMENTS
LINKS