|
|||||
WAJAALE NEWS
Trump ‘Diyaar Baan U Ahay Inaan La Shaqeeyo Ruushka Iyo Shiinaha’.
January 14, 2017 - Written by Wariye:
Mr Trump ayaa u sheegay wargeyska Wall Street in cunaqabataynta dhawaan lagu soo rogay Ruushka ay sii jiri doonaan “ugu yaraan intii muddo ah” hasayeeshee markaa kaddib la qaadi doono. Sidoo kale waxa uu sheegay in laga wadahadli karo siyaasadda dalkiisa ee ku aadan Shiine midaysan, maadaama siyaasaddaasi jirtona uusan Mareykanku aqoonsanayn Taiwan. Dhanka kale, guddiga senate-ka Mareykanka ayaa baari doona eedaha sheegaya in Ruushku uu isku dayay inuu faragelin ku sameeyo doorashadii madaxtinimada waddankaasi. Wareysigiisa ayuu Mr Trump ku sheegay in cunaqabataynta lagu soo rogay Ruushka ay suuragal tahay in la qaado haddii Moscow ay Washington ka caawiso dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada Islaamiga iyo arrimo kale. Waxa uu sheegay in uu rajaynayo inuu wadahadal la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Arrinta Beijing-na, Mr Trump waxa uu sheegay in Shiinaha ay tahay inuu u ogolaado shirkadaha Mareykanka ay la tartamaan kuwa Shiinaha lacagtana uu ogolaado in suuqu sicirkeeda jaangooyo. Sources: BBC. Related posts:Ma Xamar Oo La Tago Ayaa Xaaraan ah, Ma Fannaaniintaa Xayiraad La Saaray, Mise Xiddigahaa Denbi Gala... WAR DEG DEGA;Maxkamada gobolka Hargeysa ayaa damaanad kusii daysay maanta Guddoomiyaha iyo tafaftira... DAAWO;-Wadayaasha Gaadiidka Basaska Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Dawlada Hoos... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|