Siyaasada Axmed Siilaanyo Waa Mid Halis ku ah Sii Wada jooga Shacbiga JSL, Halka Dadka Qaarkood u Arkaan Siilaanyo Nin Xanuun ku Habsedey Oo Aan Talada Dalka Gacanta Ku Hayn, W/Q: Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Axmed Siilaanyo Waa Mid Halis ku ah Sii Wada jooga Shacbiga JSL, Halka Dadka Qaarkood u Arkaan Siilaanyo Nin Xanuun ku Habsedey Oo Aan Talada Dalka Gacanta Ku Hayn, W/Q: Cali Xaraaro
January 1, 2017 - Written by Editor:

halka qaybo kalena u Arkaan inaanay cid kale talin isla Markaana aanay dalka ka dhicin Waxaanu Axmed Siilaanyo ogeyni,

Waxaad arkaysaa tobankii qof ee Meel iskugu yimaadaaba waxay ku Murmaan Axmed Siilaanyo isagaa Taliya iyo ma taliyo, arkinameysid Toban qof oo isku aragti ka ah,

Dad siyaasadaha Axmed Siilaanyo Wax ka yaqaan ayaa odhanaya

Isagaa sidan u dhigey sababtana Ku macneeyey isaga iyo shacbigan Uu m/weynaha u yahay oo kala Ujeeda ah, intii Axmed Siilaanyo Talada dalka hayey wuxuu Sameeyey waxyaabo lid ku ah Qaranimada JSL hase yeeshee Lagama hor iman mana jirto cid Wax ka sheegtey, wuxuu hor Fadhiistey Somali weyn isagoo ku Meteleya maamul goboleed ka Tirsan Somaliya, dhinacii hawada Iyo dhinacii badaba wuxuu ku Daray dalka Somaliya waxa qudha Ee maanta hadhsani waa dhinacii Dhulka, wuxuu Hargeysa inoogu Keeney boqol odey oo ka yimi  Muqdisho isagoo fulinaya qodobka Is dhex galka shacbiga Somaliya Kaas oo ka mid ahaa qodobadii ay Wada saxeexeen Axmed Siilaanyo Iyo m/weynihii hore dalka Somaliya Sheekh Shariif, hadama maadaama Hore dhibaato iyo dhimashaba ay Uuga dhacday wada hadal lala Hadlo Somaliya maxay maanta wax Uuga dhici waayeen?

Waxaanse weydiinayaa Muuse Biixi Intuu xoqayo nabarada dirqiga ku Bogsedey ama hadal haynta  Ismaaciil Buubaa iyo Cabdiraxmaan Ciro oo waxaan ka Sheegayo muxuu Hoostiisa iyo Axmed Siilaanyo uuga hadli waayey iyo fadaraalka uu habeen Maalinba wado? Sawkan indhihiisa Oo shan ah kaga hor Takhluusey Qaranimadii JSL.

Waxaan odhanyaa Muuse Biixi Adiga iyo Ciroba waxa dan u ah Waxaan Axmed Siilaanyo dan u Ahayn waana doorasho Wanaagsan oo dalka ka dhacda,

Iskana dhaaf siyaasada Axmed Siilaanyo ee aad fulineyso Halistana  ku ah sii Jiritaanka Qaranimada JSL iyo sii wada jooga Hadii kale waxaad noqon,

Dhorwaagii laftuu dhuuxay

Eersaday.

COMMENTS
LINKS