Shirwaynihii Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq (Toljecle) Oo lasoo Gaba Gabeeyay Iyo Nuxurka Go’aamada kasoo Baxay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirwaynihii Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq (Toljecle) Oo lasoo Gaba Gabeeyay Iyo Nuxurka Go’aamada kasoo Baxay.
January 3, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Shalay  oo ay taariikhdu ahayd 02/01/2017, waxaa shir ku qabsaday beelaha Toljecle, shirkan oo magaciisu yahay “Talosame” kana soo qaybgaleen dhamaan beel weynta Axmed Sh. Isaxaaq oo kala ahaa cuqaal, salaadiin, aqoonyahan, dhalinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo ganacsato. Tirada ka soo qaybgalyaasha oo dhamayd 120 xubnood oo ka soo kala jeeda beel weynta.

SHIR 3

Ujdeeda shirka oo ahayd in lagu lafoguro dhamaan talooyinka beesha oo ay ka kow tahay midnimada beesha, nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland oo dhan, xoojinta jiritaanka qaranimada Somaliland, ka hawlgalka iyo fulinta danaha beel weynta kuwo gaara iyo kuwo guudba, sida:-

SHIR 2

Waxbarashada,La dagaalanka jahliga iyo faqriga, la dagaalanka kala qoqobnaanta, ilaalinta iyo sugida nabadgelyada beesha gudaheeda iyo gabi ahaan dalkaba, iska xilsaarida horumarka iyo dhamaan danaha beesha iyo ta Somalilandba

Shirka waxaa lagu magacaabay laguna ansixiyay gudiga musdanbeedka beesha oo ka kooban 15 xubnood.

Xubnaha farha badan ee halkaa waxaa ka mid ahaa Caaqil  Maxamed Aw Cismaan, Axmed Xuseen Fure, Sh. Cabdillahi Ibrahim Yuusuf, Sheikh Abdillahi Abu Macaali Pro. Mustafe Maxamuud Al Khaliili, Caaqil Axmed Ibrahim Bookh, Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa,Xildhibaan Abdirisaq haybe , Pro Maxamuud Xusseen Farah Salin, C/xakiim Gadhcase, H. Axmed Yaasiin Abusite, Dr C/raxmaan Ismaciil Maxamed iyo Eng Axmed Cabdi Ibrahim oo go’aamadii shirka halkaa ka akhriyay.

SHIR 1

Dhaman xubnahaas waxay iska daba mareen in beeshu baahi wayn u qabto shirar noocana si looga tashado aayaha iyo mustaqbalka horumarineed ee toljecle. Waxayna iftiimiyeen in gudida loo shameeyay beeshu isla meeshana lagu ansixiayay ay noqon doonan gudi ka shaqaysa horumarinta reerka dhinac kastooy ahaataba.  Waxa kale oo lagu balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan la qaban qaabiyo shirwayne ay beeshu iskugu wada timaado kana dhici doona deegaanada beeshu dagto.Waxaa shirka lagu goaamiyay godoban soo socda

Go’aamada shirka

Wuxuu shirku go’aamiyay :-

In ay muqadas tahay nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland dhamaantoon

In guddiga Talosame ay masuul ka yihiin hawlaha beesha khuseeya dhamaantood

In Guddiga shirka Talosame ay dhexdhexaad u yihiin dhamaan beesha Axmed Sh.Isxaaq

In ku dhaqanka diinta islaamku yahay mid waajib ah

In midnimada Beeshu tahay muqadas

In Jiritaanka qaranimada Somaliland yahay muqadas lama taabtaana yahay

Guddiga Beesha ee la doortay:-

  1. Axmed X.Cabdillahi Abusite : Guddoomiye

Axmed Xusseen Fure                      :  Guddoomiye Ku xigeen

Prof Mustafe Maxamuud Cabdillahi     : Xoghaye

Ismaaciil Cabdillahi                        : Khasnaji

Maxamed Muxumed Muuse       : Afhayeen

Xuseen Macalin Axmed                : Xubin

Axmed Xassan Ciroole                  : Xubin

Caydaruus Cabdisamad                : Xubin

Cabdisamad Bare               : Xubin

Caydiid Ibraahim Nuux                 : Xubin

Xassan Maxamed X.Maxamuud : Xubin

Cabdillahi Ibrahim Yuusuf            : Xubin

Xassan Maxamed Cawad : Xubin

Cabdixakiim Muxumed Gadhcase : Xubin

Maxamuud Xusseen Faarax Salin  : Xubin

 

 

COMMENTS
LINKS