Sanadkii 1980 kii Ayey Ahayd Markii Lacagtii Somaliya ay Qiimo Beeshey Waxaana Sababay Nimankii Dawlada Haystey, W/Q: Muj” Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sanadkii 1980 kii Ayey Ahayd Markii Lacagtii Somaliya ay Qiimo Beeshey Waxaana Sababay Nimankii Dawlada Haystey, W/Q: Muj” Cali Xaraaro
January 29, 2017 - Written by Editor:

Sanadkii 1980 ayey ahayd markii Lacagtii Somaliya ay qiimo Beeshey waxaana sababay Nimankii dawlada haystey ayaa Lacag Somali soo samaystey ka Dibna ku bedeshey wixii Doolar Suuqa yaaley, dabeeto waxa  bilaabmay wixii la odhan jirey Suuqa madaw, isla nimankii Dawlada heystey ee dembiga lahaa Ayaa hadana cid aan waxba ka Ogeyn ku tilmaamtay oo dembiile Ka Dhigta, marka xaal halkaa Marayo
AHN Abwaan Gaariyey ayaa curiyey Heesta Cosob, waxaan ka Xusuustaa,

Cagaarka la leefey
Ciroolaha baahan
Ciyaalka jal beeley
Hablaa caran caafey
Cibaaradan joogta
Canaanta ayaa leh
Nikaa ku cunaaya
Intaad ka cabsooto
Maxaad qof cagaagan
Islaan ciso goys ah
Culeyska u saari
Kumaa ku curyaanshey
Ma jeeblaha cawlan
Hadaad caqli leedey
Intaad cilmi baadho
Car suuqa madoowi
Ciduu yahay soo hel,

xaraaro

Hadaba waxa u baahan ineynu is Weydiino 37 sanadood ka dib
Ineynu isla halkii berigaa ku Noqono? Ku darsoo dawladii Siyaad Bare waxay ahayd mid Mileteri oo dalka xoog ku qabsatay Laakiin tan Axmed Siilaanyo waxay Ku timi cod dad weyna, markaa Miyaanay habooneyn in maamulka Axmed Siilaanyo si fudud Ku tago? Mise bur burka ayaa ka Wanaagsan? Waxaan ku soo
Xidhayaa qoraalka waxaanad
Hureynin inaad hada yeesho
Ayaa ka hagaagsen.

W/Q Muj. Cali Xaraaro

 

COMMENTS
LINKS