Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dalka Iraq Sanadkii Dhammaaday ee 2016-ka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dalka Iraq Sanadkii Dhammaaday ee 2016-ka.
January 3, 2017 - Written by Editor:

New York(W,N) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dalka Ciraq ay sanaddii 2016 ku dhinteen 6,878 qof oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 12,388. Tiradan ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaan ku jirin laguna soo darin dadka ku dhintey ama ku dhaawacmay gobolka Galbeed ee Anbar bilihii May, July, August iyo December.

Xafiiska howlgalka QM ee caawinta Ciraq ee UNAMI ayaa sheegay in tiradan ay tahay tan ugu yar ee la qiyaasay halka tirada dadka ee lagu diley dalka Ciraq sanadkii 2015tii lagu sheegay 7,512 ruux oo rayid ah.

QM waxa ay sheegtay in waxyeelada dadka shacabka ah ee bishii December ay yareyd marka lala meel dhigo bilihii ka horreeyey, inkasta oo ay jireen in weerarada argagixiso ee lala beegsanayo shacabka ay kordheen dhammaadii December.

“Waxaa jira isku day aan shaki ku jirin oo Daacish ay ku dooneyso inay dareenka uga weeciso guuldarrooyinka ka soo gaadhaya magaalooyin ay Mosul ka mid tahay, nasiib darro waxaa qiimahaas bixinaya shacabka” waxaa sidaas yidhi ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud QM ee Ciraq Jan Kubis.

COMMENTS
LINKS