Qaarkamida Saladiinta Somaliland Oo Kulan Isku Soo Horfadhiisiyay Hoggaamiyaasha Xisbiyada Qaranka, Dareenkii Cirro iyo Doodii Muuse +Dalabkii Madaxdhaqameedka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaarkamida Saladiinta Somaliland Oo Kulan Isku Soo Horfadhiisiyay Hoggaamiyaasha Xisbiyada Qaranka, Dareenkii Cirro iyo Doodii Muuse +Dalabkii Madaxdhaqameedka.
January 3, 2017 - Written by Editor:

Madaxdhaqameedka Somaliland oo Hogaamiyayaasha Asxaabta Qaranka Kana Codsaday In ay Joojiyo Dacaayadaha Iyo Hadalada Xanafta leh ee  Dadka Kala Fogaynaaya

HARGAYSA(W,N) Qaarkamadi Saladiinta Somaliland oo is xilqaamay,  sidii laysku soo horfadhiisin laha Murashixiinta Xisbiyada Somaliland ku guulaystay talaabadaasi kuwaasi oo manta  isa soo horfadhiisiyay hoggaamiyaasha Axsaabta Somaliland.

kulan 1

Kulankan oo ay Saladiintu soo qaban qaabiyeen oo ka dhacay magaalada  hargaysa gaar ahaan Huteelka Maansoor  ayaa wuxuu  ujeedadiisu ahayd Madaxda Xisbiyadana hordhigeen in dhinac kastaa uu joojiyo dacaayada  midba mid  kale u jeedinaayo, iyo  sidoo kale

In labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE joojiyaan ololaha una weeciyaan gurmadka abaaraha.

Kulankaas oo saacado badan socday, ayaa ku soo dhammaaday jawi is afgarad iyo isa saamax ay Hoggaamiyaashu iska dhayeen hadaladii kul kulala ee todobaadyadii u danbeeyay ay is waydaar sadeen.

kulan 5 kulan 4

Murashaxiinta Xisbiyada WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dhaliilo kala duwan iyo eedo siweyn u dhexqaaday bulshada Somaliland isu marinaayay Saxaafadda.

kulan 2

Dhanka kale kulankan ayaa waxaa dareeno kala duwan muujinayay  muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaan ciro kuwasi oo sida xogani tibaaxeen in midba midka kale u garnaqsaday bale markii danbe salaadiyiintu uso jeediyeen mid kastaa iska ilaawo wixii dhacay

kulan 3

Waxa kale oo xusid mudan waxay madashani kulmisay xubno hore saaxiibo u ahaa balse ku kala tagay firkirka siyaasada oo uu kamid ahaa Cabdicasiis samaale iyo xirsi kuwaasi oo iyagu kulankan isbarbar fadhiyay kana kala socday labada xisbi ee maalmihii udanbaysay fiintu kala dhexmiranaysay Wadani iyo kulmiye.

COMMENTS
LINKS