|
|||||
WAJAALE NEWS
Nuxurka Kulan Xaasaasi Ah Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxweyne Silaanyo Iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka
January 9, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Warar xog ogaal ah oo nasoo gaadhaya isla markaana naga soo gaadhaya dad looga qaateen ah ayaa sheegaya in xalay uu kulan xasaasi ah ku dhex maray qasriga madaxtooyada Somaliland gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland iyo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”. Waxaana kulankan oo saacado badan qaatay uu ahaa mid ay isku xaal waraysteen madaxwayne Siilaanyo iyo gudidan komishanka doorashooyinka qaranka oo iyagu u igman qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda waxaana labadan dhinacba ay ka wada hadleen arrimo badan. Gudida doorashooyinka qaranka ayaa naloo sheegay in ay madaxwayne Siilaanyo usoo bandhigeen xogo iyo warbixino ay kasoo ururiyeen safaro ay ku gaala bixiyeen gobolada dalka iyo deegaanada ay abaartu ka jirto,sidoo kalena waxay usoo bandhigeen qorshahooda uga meel yaala qabsoomida doorashada,wakhtiga ay bilaabayaan qaybinta kaadhadhka codbixiyaha,heerka ay xaalada abaareed ka marayso deegaanada ay abaarbta baahsan ka jirto oo dadka badankoodii kasoo hayaameen iyo waliba qorshe ah inaanay suurto gal ahayn in doorashadu wakhtigeedii loo asteeyey ku qabsoonto. Intaasi ka dib ayaa uu madaxwayne Siilaanyo gudida uga mahadceliyey sida ay hawlaha qaranka u wadaan isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen,sidoo kalena madaxwaynaha ayaa la sheegay in uu gudida u sheegay inaanu rabin muddo kordhin kale oo loo sameeyo xukuumaddiisa diyaarna ay u yihiin qabsoomida doorashadda oo wakhtigeeda ku dhacda,waxaana uu madaxwayne Siilaanyo gudida ku adkeeyey inay ku dadaalaan in doorashadu wakhtigeedii loo asteeyey ku qabsoonto oo aan wax muddo kordhin ah la samayn. Xogahan ayaa sidoo kalena waxay noo sheegeen in madaxwaynuhu uu gudida u sheegay in ay suurto gal tahay in laysku dhinac wado gurmadka dadka ay abaaruhu halakeeyeen iyo waliba diyaargarowga doorashada oo wakhtigeedii ku dhacda,isaguna aanu diyaar u ahayn wakhti xaadirkan muddo kordhin kale oo loo sameeyo xukuumaddiisa. Dhinaca kale Shalay ayay ahayd kaddib markii mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ay cod gacan taaga ku meel mariyeen xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka kaas oo qodob kamid ah uu sheegayo in muwaadin kaste oo reer Somaliland ah uu ka codaynayo deegaankii uu diiwaangalinta codbixiyayaasha ka galay,qodobkaas oo caqabad ku ah dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee kasoo hayaamay deegaanadii ay daganayeen oo abaar baahsani ka jirto isla markaana qaarkood ay ku sugan yihiin deegaanada gobolada galbeedka Somaliland. Ilaa hadda lama garanayo natiijada rasmiga ah iyo waliba go’aanka ay isla meel dhigeen gudida doorashooyinka qaranka iyo madaxwaynaha Somaliland ee xalay kulanku ku dhex maray qasriga madaxtooyada Somaliland.
Related posts:Wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliland ayaa Maanta si rasmi ah uga furmay Magaalada Ista... Xildhibaan Ingiriis Ah Oo Sheegtay Inaanu Ingiriisku Raali Ka Ahayn Midnimadii Ay Somaliland Lixdank... Shacabka Magaalada Gabiley Oo Muujiyey Taageeradooda Xisbiga KULMIYE Iyo Madaxweynaha JSL Oo ka Qayb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|