|
|||||
WAJAALE NEWS
Ninkii Weeraray Kaniisadda Dadka Madow Oo Dil Lagu Xukumay.
January 11, 2017 - Written by Wariye:Hargeysa(WJN):- Nin ay ku weyntahay cadaannimada, Dylann Roof, ayaa lagu xukumay dil ka dib markii uu sagaal qof oo madow ah ku dilay kaniisad ku taalla South Carolina. Dylann Roof, ayaa bishii tagtay lagu helay 33 fal dembiyeed, oo ay ka mid ahaayeen, Neceyb, iyo inuu rasaas ku furay dad bible baranaayay sanadkii 2015-kii. Wuxuu diiday inuu ka soo noqdo naceybka ku jiro iyo falka uu geystay, wuxuuna xeer-beegtida u sheegay, “waxaan dareemayay inay waajib igu ahayd inaan sameeyo, welina waxaa dareemaayaa inaan ficilkaas mid la mid ah sameeyo” Xeer-beegtida ayaa seddax saacadood ka doodayay arrintan ka hor inteysan gaarin go’aanka. Xasuuqaasi ka dhacay kaniisadda wuxuu argagax geliyay Mareykanka, wuxuuna ifiyay dhibaatada ka taagan xiriirka qowmiyada, iyo sii jiritaanka calanka midab takoorka. Roof wuxuu booliska u sheegay in uu doonayo inuu billaabo dagaal jinsi ku saleysan, waxaana sawir laga qaaday asigoo haysta “calanka colaadda”, kaas oo astaan u noqon kara naceyb. Musiibadaas ayaa sababtay in calankaasi laga saaro aqalka maamulka South Carolina, halkaas oo 50 sano uu ka babanayay. Ka dib dilkaasi, Obama ayaa tagay kaniisadda oo la hadlay dadka madow, wuxuuna xusay dadkii billaabay kaniisaddaasi oo madow ahaa Ka dib markii lagu xukumay dilka, 22-sano jirka dadka laayay wuxuu dalbaday in loo magacaabo qareenno cusub, uuna dacwadda dib u billaabo. Garsooraha degmada, Richard Gergel oo u jawaabay Roof ayaa sheegay inuu “si adag u diiday” wuxuuna Roof u sheegay inuu dib u fikiro. Hargeisa Office COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|