Muj. Cali Guray Oo Xaaji Cabdi Waraabe Ku Taageeray In Mudo Kordhin Shilis La Sameeyo Xili Xisbigiisa Kulmiye Dabada Ka riixayo In Doorashadu Dhacdo Waqtigeega | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj. Cali Guray Oo Xaaji Cabdi Waraabe Ku Taageeray In Mudo Kordhin Shilis La Sameeyo Xili Xisbigiisa Kulmiye Dabada Ka riixayo In Doorashadu Dhacdo Waqtigeega
January 19, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Muj.Cali Guray oo ka mid ah xisbul xaakimka Kulmiye ayaa si wayn u taageeray in odayga Somaliland ugu wayn kana mid ah xildhibaanada golaha guurtida Xaaji Cabdi Waraabe oo maalintii shalay ka dhawaajiyay in mudo kordhin ka badan lix bilood loo sameeyo xukuumada taas oo mudooyinkan u danbeeyay kukala aragti duwanaa.

Waxaanu sidaasi ku sheegay muj. Cali Guray mar uu bartiisa xidhiidhka bulshada ee facebookga ku daabacay qoraal kooban oo u dhignaa sidan:

OKAY NO DOORASHO XAAJI
Ha ku biyo cabaan mucaaridku jawaabta Xaajiga. Marka ay bishu hortooda timaado yaanay qaylo dheer ku dhufanin waayo qasab maaha xiliga ay mudeeyeen in guurtidu ay raacaan. Iyagu intii ay doonayeen way heleen oo mucaaridka ayay ka heleen inta ay kordhinayaa xisbiyo waxba ka waydiin maayaan. Waxba maaha hadii ay sanad iyo badh ka dhigaan oo ay dayrta dayrteeda ku beegaan. Waayo hadii ay sanad yidhaahdaan waxay ku dhici doontaa in hadana mar kale la kordhiyo waayo waa jiilaalkan jiilaalkiisa. Jiilaalkuna wuu kala daran yahay uun eh mar kasta reer miyiga waa u dhib uun iyo baad iyo biyo yaraan ama la’aanba. Markaa maaha in doorasho lagu beego. Markaa hadii ay dhaafayso sanadkan iska ilooba horaanta 2018ka. Anigu doorkan ninka wax diidanba ma ihi weliba waxa la yidhi “Rag Waa Arin Keen Iyo Aqbal Keen In Miduun Uu Noqdaaye” igu ogaada aqbal keen. Hadii lix bilood la kordhiyo iyo hadii laba sanadood la kordhiyo iyo xataa hadii lix sanadood la kordhiyo ninka diidaya ma ihi waayo waxan doortay in aan noqdo aqbal keen. Hadii ay diidmo wax tarayso ama ka daaya dhaaxaan la soo taagnaa

COMMENTS
LINKS