Madaxweyne Silaanyo Oo Komishanka Doorashooyinka U Laqimay In uu Kala Dirayo Hadii ay Sameeyaan Mudo Kordhin Iyo Kulankii Sadexda Xisbi Qaran Lalahaayeen Gudida Doorashooyinka Oo Baaqday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Silaanyo Oo Komishanka Doorashooyinka U Laqimay In uu Kala Dirayo Hadii ay Sameeyaan Mudo Kordhin Iyo Kulankii Sadexda Xisbi Qaran Lalahaayeen Gudida Doorashooyinka Oo Baaqday
January 9, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Sida ay tibaaxayaan ilo wareedyo ka agdhaw aqlalka madaxtooyada, madaxweyne Solaanyo ayaa wali ku dhagan in ay dib u dhacdo doorashada madaxtooyada oo loo asteeyay in ay dalka ka qabsoonto bisha sadexaad ee sanadkan oo ay ka hadhsan tahay mudo kooban, kulan ay xalay jilbaha isku dhigeen gudida komishanka doorashooyinka qaranka iyo madaxweynaha Somaliland oo ka dhacay qasriga madaxtooyada ayay gudida komishanku dhinacooga soo bandhigeen duruufo badan oo ku gadaaman in ay qabsoonto doorashadu  waqtigeegii taasi oo ay ka mid tahay abaaraha iyo sida oo kale qaybinta kaadhadhadhka cod bixiyaha iyo waliba sidoo kale safaro xog ururin ah oo ay komishanku dhawaan ugu bexeen gobolada bariga, waxaanay madaxweynaha u sheegeen in aanay suuro gal ahayn in doorashada xiligeegii lagu qabto.

Waxaanay ilo wareedyo aad ugu dhaw madaxtooyadu noo xaqiijiyeen in madaxweyne Silaanyo dhiniciisa ka garaabay duruufta jirta balse uu u sheegay gudida doorshada in aanay doorashadu waqtigeegii dib uga dhici Karin isaga oo ku adkeeyay in ay ka komishan ahaan diyaariyaan inkaanaiyaadkii lagu hawl gali lahaa si doorashadu waqtigeegii u qabsoonto, waxaanay wararku intaas ku darayaan in madaxweyne Silaanyo 24 saacadood u qabtay komishanka doorashooyinku in ay ula yimaadaan war cad isaga oo ku goodiyay in uu kala diri doono xubnaha komishanka hadii ay diyaarin waayaan hawsha doorashada oo uu ku adkaysanayo in xiligeega la qabto.

Si kastaba ha ahaatee waa markii u horaysay ee Jamhuuriyada Somaliland madaxweyneheegu dadajisto in lagu loolamo kursigiisa taas oo aan inta badan ka dhicin wadamada Africa balse Shacabka Somaliland ayaa ilaa hada iswaydiinaya Sobobta keenatay.

Dhinaca kale kulan ay manta lahaayeen gudida komishanka doorashooyinka Somaliland iyo sadexda xisbi qaran ayaa baaqday ka dib markii sida la sheegay komishanka doorashooyinku dhinacooga keeneen cudrdaar.

COMMENTS
LINKS