|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada hargaysa
January 13, 2017 - Written by Editor:IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Caawa oo ay taariikhdu tahay 13/01/2016. Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ku suntan taariikhda qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, ahaana shaqsi ay ku dheehan tahay dadnimo, karti iyo cibaado saalixa, dadkana isu soo jiida. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Related posts:“Waxa Layaab Leh Xildhibaano Ka Tirsan Xisbiyadda Mucaaridka Oo Leh Waxaanu ka Garnaqaynaa Cidda Ku ... War Deg Deg Ah ;Xukuumada Oo La Sheegay In Ay Joojisay Xuskii Marxuum Cigaal Oo Maalinta Bari a... Laba Qof ayaa ku Dhimatay Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Magaalada Sanfaransiisko ee Dalka Maraykank... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|