Maayorka Degmada Tog-Wajaale Oo Bulshada U Cadeeyay In Aanu Lahayn Facebook kana Digay Shaqsiyaad Been Abuur ah Oo Magaciisa Isticaamaala | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayorka Degmada Tog-Wajaale Oo Bulshada U Cadeeyay In Aanu Lahayn Facebook kana Digay Shaqsiyaad Been Abuur ah Oo Magaciisa Isticaamaala
January 20, 2017 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(wajaalenews)Gudoomiyaha degmada Tog-wajale Eng Aadan Muuse Cilmi ayaa ka hadley facebook been abuur ah oo magaciisa uu ku samaysatay shaqsi ka been sheegaya islmarkaana uu qofkaaasi uu ka dhex isticmaalayo mareegta facebook ga ee bulshadu kuwada xidhiidho.

Waxaanau gudoomiye Aaden sheegay in qofkani yahay shaqsi bulshada iskaga dhigaya inuu yahay gudoomiyaha degmada Togwajaale dadkana doonaya inuu ku qaldo si uu danta uu ka leeyahay ugu hirgasho kuna khiyaameeyo bulshada.

Hadaba gudooiyaha degmada Tog-wajaale oo ay shabakada wararka ee wajaalenews ay khadka taleefanka kula xidhiidhay ayaa beeniyay inuu jiro facebook uu leeyahay islmarkaana uu isticmaalo
ninka magaciisa isticmaalayana uu ka beensheegay.

gudoomiyaha wajaale

Ugu Danbayntii wuxuu gudoomiyaha Degmada Togwajaale Eng Aadan Muuse Cilmi bulshada isticmaasha barta bulshadu ku kulanto ee facebook ga ugu baaqay in ay iska ilaaliyan cida magaciisa ka been sheegtay ee ku kacday falkaa foosha xun ee laga been abuurtay
magaciisa gudoomiyuhu  waxa uu intaasi ku daray inuu isticmaalo kaliya adeega Gmailka oo uu ciwaan ku leeyahay.
Waxaanu Gudoomiyihi Sheegay in shaqsigaasi anshax xumada bulshada u horseedayay ee isticmaalaya magaca aanu lahayn ayaa lagu daba jiraa sidii gacanta loogu dhigi lahaa tuuga magaciisu ku filnaan waayay.

Si kastaba ha ahaatee been abuurkan lagula kacay xuquuqda masuulkan ayaan ahayn kii u horeeyay ee waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo badanayay budhcad ka dhex dilaacday baraha internetka ee bulshadu kuwada xidhiidho kuwaas oo magacooga kaga been abuurta masuuliyiinta magaca ku dhex leh somaliland iyada oo masuuliyiin tiro badan oo hore magacyadooda si qaldan loo isticmaalay.

COMMENTS
LINKS