Maareeyaha Cusub Ee Telefishanka Qaranka Oo Durba Bilaabay Qorshayaal Uu Xilalka ka Qaadayo Masuuliyiin Katirsan Waaxaha Telefishanka Iyo Mid kamida Oo Iscasilay+ Xogaha ku lamaan Qorshan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Cusub Ee Telefishanka Qaranka Oo Durba Bilaabay Qorshayaal Uu Xilalka ka Qaadayo Masuuliyiin Katirsan Waaxaha Telefishanka Iyo Mid kamida Oo Iscasilay+ Xogaha ku lamaan Qorshan,
January 30, 2017 - Written by Editor:

Maxaa Kajira In Maareeyaha Cusub Ee Telefishanka Qaranka Uu Qorshaynaya  Inuu Xilalka ka Qaado Masuuliyiin Ay Hore Biyo Hoosteedda Iska Haraatiyeen Iyo Boosaskaaasi oo uu la Damacsan yahay  Rag ay Isku Danno Yihiin.

Hargeysa,(Wajaalenews)   Maareeyaha Cusub Ee Telefishanka Qaranka Somaliland  Khadar Maxamed Cakulle ayaa La Sheegay in uu damacsan yahay sidii uu masuuliyiin ka tirsan telefishanka Qaranka xilalka ka uga qaadi lahaa , isla markaana rag ay isku aragti yihiin oo isaga u dhego nugul ku bedelo.

TELEFISHANKA

Masuuliyiintan uu doonayo inuu xilalka ay hayaan ka qaado ayaa ah rag muddo dheer ka soo shaqaynayey telefishanka, waxaanu maagan yahay in ragaasi oo hore isku ficil sadeen kaga faa’iidaysto masuulka looga dhigay telefishanka, kuwaas oo qaarkood xilalkiiba iska casileen markii ay arkeen talaabooyinka xilalkoodda ka dhanka ah uu qaadayo maareeyaha cusub ee telefishanka.

KHADAR CAKULE

Telefishanka qaranka ayaa shaqaaluhu waxay ka cawdaan nidaam xumo, shaqo xumo iyo maamul daadajin xumo ka jirta telefishanka, taas oo niyad jab ku abuurtay shaqaalaha ka hawlgalla.

Madaxii barnaamijiyadda Xuseen Deeqsi ayaa xilkii iska casilay ka dib markii uu shaqadiisa ku farogaliyey maareeye KHadar Maxamed Cakule, isla markaaan uu maareeyuhu xilkaasi u magacaabay Axmed Xuseen Warsame oo uu markii horaba uu watay maareeyuhu.

Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu damacsan yahay inuu madaxa wararka telefishanka qaranka Abiib Iimaan uu xilka ka qaado, isla markaana u magacaabo rag kale oo ay saaxiib dhow yihiin.

Qorshayaasha maaareeyaha cusub ee Khadar Maxamed Cakule ayaa masuulkan telefishanka looga dhigay Umuuqda midkaga Aargoosanaya wariyeyaal ruug cadaaya oo aanay mihnadda saaxiib ku ahayn, isla markaana ficiltan hoose ka dhexeeyey.

Sidoo kale, Agaasimaha maamulka lacagta Xasan Yare ayaa iyaguna qorshaynaya in  waaxyo cusub uu samaysto si miisaaniyad iyo lacago uu uga dhex samaysto, taas oo iyaduna ka mid ah dhibaatooyinka haysta telefishanka qaranka oo masuul kasta oo xil looga magacaaba uga faa’iidaysto danihiisa gaar ah iyo inuu baro bixiyo ragii ka horeeyey ee xilalka ka hayey telefishanka.

Si kastaba ha ahaatee, masuuliyiin xilal ka haya ayaa iska casili doono maalmaha soo socda, kuwaas ujeedadoodu tahay ficiltanka hore uga dhexeeyey maareeyaha cusub ee loo soo magacaabay telefishanka qaranka oo muddo dheer buulka ku jiray kaasi oo fursadda uu maanta helay ku Tahay mid uu dano badan kaga faa,iidaysan karo.

Guud ahaan masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ayaa xisdi iyo cuqdad dhexdoodda ka jirta ragaadisay hawlihii kala socon lahaa, isla markaana wax soo saarkii laga rabay telefishanka iyo Idaacadda ay la socon Karin masuuliyiin kala weji dad baya oo shaqadda saaxiib ku ahayn, waxaana taas sabab u ah masuuliyiintii ka horeeyey oo kala jiidasho iyo kala xigtiisi ku kala dhoweysanayey shaqaalaha wasaaradda, waxaana hore u jirtay cadaalad daro iyo eex xad dhaaf ah oo shaqaaluhu ku kala mushahar iyo gunooyin badan yihiin ka hor intii aanu wasiirka warfaafintu shalay simin mushaharka shaqaalaha.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA  OFFICE

WAJAALE STAFF

 

COMMENTS
LINKS