Lama Gaadhin Wakhtigii Madaxwayne Siiraanyo , Gudoomiye C/Raxmaan Cirro Iyo Gudoomiye Saleebaan Heshiiska Ku Ahaayeen In Dalka Doorasho Ka Dhacdo + Milicsiga Sadex Jeer Oo Sabab La”aan Hore Loogu Kordhiyo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lama Gaadhin Wakhtigii Madaxwayne Siiraanyo , Gudoomiye C/Raxmaan Cirro Iyo Gudoomiye Saleebaan Heshiiska Ku Ahaayeen In Dalka Doorasho Ka Dhacdo + Milicsiga Sadex Jeer Oo Sabab La”aan Hore Loogu Kordhiyo!!
January 13, 2017 - Written by Editor:

Ma Ogtahay Muwaadin  In Madaxwayne Siiraanyo  Kaw Iyo Afartan Maalmood Markuu Xilka hayay uu Golaha Guurtida Ka Codsaday In Golayaasha Qaranka Mudo Dheer Loo Kordhiyo !!

HARGAYSA(W,N) Mudo xileedka Madaxwayne Siiraanyo waxay Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land  noqotay mid u dabran mudo kordhin oo Labada Oday ee Ilmaadeerta ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Xukuumada  Madaxwayne Siiraanyo  iyadoo S/land Cagta saartay Jidkii kalidii Taliyaha iyo burburkii Dimuquraadiyada .

Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in mudo kordhinta iyo Guushii  Madaxwayne Siiraanyo wada socdeen  iyadoo Madaxwayne Siiraanyo Kow iyo Afartan Maalmood markuu Xillka hayay Maalin ku beegan 7/9/2010 Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwaynaha u kordhiyay Golaha Wakiilada mudo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda halka Golaha Guurtidu isku kordhiyeen Sedex Sanno iyo Sideed billood iyagoo Golayaasha Deegaanka u kordhiyay mudo Sannad iyo Badha .

maxay heshiis ku yihiin

Mar Labaad 10/4/2013 waxay Golaha Guurtidu  mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen  Golaha Wakiilada  iyagoo is waafajiyay Dhamaadka Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada mar sadexaad 27/5/2015 waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada  Iyo Madaxwayne Siiraanyo  Sanad iyo Todoba Bilooda iyadoo khilaaf Cakiran ka dhacay ay Go”aan Maxkamada Sare ka soo saartay ay ku Go”aanmisay waqti kama danbaysa ee ay dhacayso Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu  oo ku beegnaa 28/3/2017 .

Balse Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma kacee waxuu Madaxwayne Siraanyo go”aan sharciga  Baalmarsan uu ku kala reebay Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha  10/9/2016  iyadoo Sedex Maalmood ka dib Golaha Wakiilada oo aan Ajandaha ugu jirin ku meel mariyay Go”aankii kala reebista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxwaynaha ee Madaxwaynuhu Siiraanyo hore u soo saaray Ball aan dull joogsano Qodobka Sagaashanaad ee Distoorka oo Madaxwayne Siiraanyo hore ugu Cuskaday kala Qaadista Labada Doorasho .

Qodobka 90 aad ee Distoorka ee Madaxwayne Siiraanyo u adeegsaday Jawaabta Beesha Caalamka.

1: Madaxwaynuhu waa Madaxa Qaranka iyo Dawlada waana Astaanta Midnimada Muwaadiniinta waxaanu  u xilsaaran yahay Daryeelka Haybada Dalka ,Ilaalinta Nabadgalyada ,Horomarinta Bulshada ,iyo Habsami u socodsiinta Maamulka Dawlada si uu gudan karo hogaaminta Siyaasada Xukuumada .

Ball akhriste dhugu Qodobka Sagaashanaad ee Distoorka miyaanu Qodobkani si cad u cadayn Awooda Madaxwaynaha ee Distooriga ah ee Saami qaybsiga Golaha Wakiilada ee Madaxwayne  Siiraanyo  ka gaabsaday si uu Mudo kordhin Labaad u helo .

Heshiiska  Ka Dhexeeya Madaxwayne Siiraanyo Iyo Gudoomiye Cirro  + Gudoomiye Saleemaan Waxaa Buddhig U Ah In Dalka Doorasho Ka Dhicin Sabobahan Awgood.

 

1: Waxaa Marag ma doona in Madaxwayne Siiraanyo iyo Gudoomiye Cirro + Gudoomiye Saleemaan Sabob La”aan Sadex Mudo kordhineed oo hore u samaysteen iyadoo Maalmaha soo socdana Mudo kordhintii Afraad Qalinka ku duugi doonaan  .

2: Heshiiska  Madaxwayne Siiraanyo Gudoomiye Cirro iyo Gudoomiye Saleemaan hore u galeen  waxuu Sabobay in Awoodii Distooriga ahayd u Adeegsadeen in Dalka S/land ka dhicin Doorasho  Geedi Socodkii Dimuquraadiyaduna  Burburu si ay Muddo dheer Kuraasta ugu fadhiyaan Mudo kordhin .

3: Madaxwayne Siiraanyo  Gudoomiye Cirro iyo Gudoomiye Saleemaan waxaa aad u kala fog Hadalkooda iyo Xeeladaha Ficilkoodu muujinayo oo si cad u tilmaamaya in ayna Diyaar u ahayn in ay Dalka Doorasho ka qabtaan waana ilaa Waqtigii Doorasho in ay qabtaan hore ugu heshiiyeen la gaadho .

Anigoo ku soo gunaanadaya Qormadeenan Koowaad Su”aalo aan waydiinayo  Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud ,   Madaxwayne  Aaway Kartidii iyo Hogaamintii lagu tuhmayay ee Bulshada S/land kugu soo Dooratay  ? Madaxwayne  Yaa dalka Madaxwayne ka ahaa  markii Labada doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha la isku lamaaneeyay ?  Madaxwayne ma waxaad  go”aansatay  in Mudo Xileedkaaga ay Gacantaada ku burburtu Dimuquraadiyada S/land ?  Madaxwayne waa kuma  Madaxwaynaha  kaa  danbeeya ee aad ku halaynayso in uu go”aan ka gaadho Saami qaybsiga Golaha Wakiilada ?

 

LASOCO QORMADEENA DANBE

COMMENTS
LINKS