Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kacaanka Nolosha Iyo Waayaha Ku Gedaaman!!
January 8, 2017 - Written by Editor:

Noloshan aynu ku noolnahay sideedaba waxay ka samaysan tahay afkaarteena , afkaartaynu aaminsanahay ayaa samaysa nolosheena halka aad maanta taagantahayna afkaartaad xambaarsantahay ayaa ku dhigtay , beri halka aad taagnaanayso afkaartaada iyo fikirka aad aamin santahay ayaa ku dhigaya.

Tusaale : qofbaa shirkad buu leeyahay shirkadii baa waxa laga yaabaa inay khasaarto , wuu kuu imaanayaa wuxuu ku odhanayaa maanta wey ii dhamaatay wax alla wax ii yaal ma jiro nolosha , khalaas shirkadaydii wey burburtay , hadaba noloshiisiiyoo dhan waxa uu ku soo koobay shirkad qofka noocaasa maxaa laga rabaa, Waxaa laga rabaa inuu kala saaro arimihiisa , kow waa inuu isweydiiyaa maxaad horta haysataa , caruur baad haysataa, reer baad haysataa , guri baad haysataa , waxbarashaad haysataa , amni baad haysataa intaasoo dhan baad haysataa keliya mushkilada halkay ka taagantahay waa qaybta yare e shirkada marka sidaa hadii uu u kala saarsaaro maxaa u soo baxaya , waxanuu lahaa mushkilad weyn baa I haysata noloshaydii waa baaba waxaa u soo baxaya , noloshiisa inaanay baaba ahaynee qayb yaroo keliya inay wax ka si yihiin , qaybtaana uu daweyn karo marka maskaxdiidiisi negativeka waxay isku bedelaysaa positive , waxaa lagu daweyn karaa shaygan negativeka ah ee kugu yimid waxaad isku daydaa inaad ka dhigato inuu kuu horseedayo wax arintaa ka weyn.

Tusaale : waxaa lagu yidhi waar ninyahaw shaqadii waa lagaa eryey fikradaasaa laguu sheegay markiiba maskaxdaada fikrad baa ku so dhacday oo shaqadii baa lagaa eryey maxaad samaysaa markiiba waxaad isweydiisaa intaadan welbahaar galin shaqadii hadii layga eryey maxaan kaloon qaban karaa ,waxaad tidhi waxaan iyo waxaasba waan qaban karaa markiiba maskaxdaada wey degaysaa waxay ku degaysaaa hadii shaqadii lagaa eryey meel kalay tagtay haysataa , waxaa kaloo ku bedeli kartaa naftaada markay fikrad ku soo dhacdo inaad isku daydo fikradaha xun ee maskaxdaada keento inaad ka dhigto waxba kama jiraan.

Tusaale : waxaa lagu yidhi imtixaan baad ku dhacday fikrad baa kugu soo dhacaysa negative oo walbahaara sideed uga gudbi kartaa , imtixaankii soo kumaan dhicin , haa , imtixaanka soo socda maadadan waa inaan ( A ) helaa marka fikradii negativeka ee kugu soo dhacday maxay kuu horseeday inaad kor uga sii kacdaba markaa isku day fikradaha negative ka ee kugu soo dhacaya ee tilmaamaya khasaaraha iyo liidashada inaad kor uga sii kacdo oo qiima weyn aad u sii samayso , waxa kale oo aad ku daweyn kartaa arimahaa noocana ee fikrada negativeka inaad isku dadydo inaad u bedesho fikrad positive ah .

Tusaale dhalin yarteena maanta wey tahriibayaan markay tahriibayaan qofkii fikrada tahriibka marka ugu horeesa ee lagu dhaliyo maxaa imaada waxa uu u raadinayaa fikradan cadeemo uu ku qanci karo waxa uu kuu sheegayaa, saaxiibkay oo halkaa jooga ayaa war ii soo direy oo igu yidhi meeshu waa jano hebel kalana wax fiican buu ii sheegay hebel kalana wuu ka gudbay bada intaas oo dacaymo ayuu qofkii dhalinyarada haystaa , qofkii yaraa markiiba maskaxdiisa maxaa galay in la tahriibo ayaa galay OO tahriibtana wuu aaminoo wuu ku qancay oo cadayma badan buu helay qofka noocaasa markaad rabto inaad tahriibta u sheegto inay xuntahay maxaad samaynaysaa cadaymahan uu keenay waa inaad burisaa ,cadaymuu qofkan haystaa oo saaxiibkii oo halkaa jooga ayaa shaqa fiican haysta saxibkii oo halkaa jooga ayaa lacag soo dira , saaxibkii kalana guri buu soo dhistay cadaymahaasuu haystaa ,wuxuu haystaa cadaymo tilmaamaya intaa soo qof inay ka gudbeen bada marka hadaad rabto inaad tahriibta ka joojiso cadaymahan waa inaad burisaa , waa inaad haysataa intaasoo cadaymoo kale oo tilmaamaya qaar badii ku dhintay , qaar maanta yurub joogoo bilaa shaqaa ,qaar is gubay ,qaar isa soo daldalay markay shaqa waayeen ,qaar markay meeshii tageen waxay filanayeen iyo waxay heleen isku mid noqon waayeen intaasoo cadaymoodoo kale waa in la keenaa oo qofkii ku qancidaa waxaa uu aaminay inay sax ahayn waxaa muhiima oo waxyaabaha fikirka khaldan lagu joojiyo kamida salaada , hadii adigoo fikir welbahaara kugu jiro oo maskaxdaada walbahaar ka guuxayo oo leeyahay waxaasaa dhacay oo wewersan hadii aad salaada gasho waxaasi weykaa tagayaan mana aha waxan anigu leeeyahay maanta waa arimaha la xaqiijiey bale gaalada qaarkood maanta ay xaqiijinayaan salaada iyo inaad ilaahay ku xidhantahay waa arimaha koowaad ee runtii qofka welbahaarka ka saaraya oo fikirka wanaagsan ku dhalinaya waxa kaloo kamida iyadana qodob aad u muhiima inaadan xasuusan waqtigaagii hore markii dhibaatooyinkii berigii hore kugu dhacay , xasuustaan ayaa markiiba fikir khaldan baa ku soo dhacaya qofkii walbahaar iyo wewer buu galayaa , sideed u daweyn kartaa ? waxaad u dawayn kartaa hadaad maqasho waxyaalihii tagay waa la weriyaa qalbiga lama galiyo waa inaad khibrad ka faa’ideesataa , fawaa’id waa inaad ka heshaa laakiinse marna haka dhiganin wax dareenkagaa wax ka badala hadaad horumar rabto wax kasta dhinaca fiican waa inaad ka eegtaa waxa ugu muhiimsan inaad runtii diinta islaamka aad dabaqdo , qofka diinta islaamka dabaqaa waxay u horseedaysaa noloshiisa oo dhan inuuu u fikiro qaab positive ah waana xaqaa’iq la taabtay , Axaadiista iyo aayaadka quraanka waxaa soo dhan tilmaamaya aad bay u badan yihiin oo tilmaamaya qofka nolosha dhinaca fiican inuu ka eego waxaan ku soo khatimayaa afkaartaadu waxay isu badalaysaa ficil , ficilkaana wuxuu isu badalayaa dhaqan , dhaqankaagu wuxuu isu badalayaa dabeecad , dabeecaduna waxay tahay tan xadidaysa mustaqbalkaaga halkaad tagayso marka waxaa lagaa rabaa fikirka maskaxdaada aad galinayso inaad aad uga fiirsato oo fikir positive ah oo dhicana wanaaagsan ah waa inaad galisaa .

 

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (GEELE)

shaamcade2015@gmail.com

COMMENTS
LINKS