Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Oo Ku Sugan Magaalada Gabiley Iyo Shirar Doceedyo Gooni Gooni ah Uu La Yeeeshay Haweenka ,Aqoonyahanka +Haldoorta Gobolka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Oo Ku Sugan Magaalada Gabiley Iyo Shirar Doceedyo Gooni Gooni ah Uu La Yeeeshay Haweenka ,Aqoonyahanka +Haldoorta Gobolka,
January 17, 2017 - Written by Editor:

Hogaamiyaha Xisbiga Wadani  Oo Ku Sugan Magaalada Gabiley iyo xisbi xaakimka kulmiye oo sas ka qaaday safarkiisa + Ujeedada Shirar Doceedyo Uu la yeeshay Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada..

Gabiley (Wajaalenews) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ku Sugan Gobolka Gabiley Ayaa Shirar Doceedyo Kala Duwan La Yeeshay Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka Madaxda Dhaqanka Iyo Inta Labeenta U Ah Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Reer Gabiley.

xirsi

Waxaana Kulanadaasi Lagaga Wada Hadlayay Sidii Loo Dardar Galin Lahaa Wada Shaqaynta Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Iyo Bulshada Reer Gabiley, Isla markaasina Haldoorka Gobolkanni Qayb Laxaadleh Uga Noqon  lahaayeen isbadalada siyaasadeed ee la rajaynayo in uu dalka ka dhaco waqtiga dhaw Sidoo kalana ay u noqon lahaayeen Mushiinka xisbiga si Reer Gabiley Ay u Noqdaan Baalasha Uu Ku Duulo Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani  Uguna Miisanka Culus Cad Iyo Cuduudba

Waxana Wararka Aanu Ka Helayno Kulankasi Xuseen In Uu Xisbiga Wadani Gobolkani Gabiley ka wadaan qorshe la isku xidhayo Aqoonyahanka gobolka iyo masuuliyiinta xisbiga ee gabiley ,kuwaasi oo Uu Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Ku Yeelan Doono Gobolka Gabilay, iyada Oo La Filayo Inay Wax Badan Ka Badali Doonan Miisaanka Taageero Ee Xisbiga wadani Ku Leeyahay guud ahaan  Gobolkani Islamarkaasina u Dhaqaajin lahaayeen  Hawlaha Xisbiga Wadani, Waxa Kaloo Wararku Intaasi Ku Darayaan In Iyagu Maanta isku diyaarinayaan sidii ay  Markale u Dhalin lahaayeen  Isbadal Ka Dhaca Somaliland

Si Kastaba Ha Ahaatee Socdaalka Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Uu Caawa  Taageerada Ugu Soo Hooyay Xisbiga wadani Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Uu Xisbiga Kulmiye Isasiiyay Taageerada Bulshada Reer Gabiley Oo Dhan Islamarkaasina Marar Badan Ay Ku Celceliyeen kaadiriinta Kulmiye in Aan Xisbiyada Mucaaridka ahi Ayna Cod Ka soo Hunguraynin Guud ahaanba Bulshada Gobolka Gabiley

Balse Arankani Ayaa  sas ku riday xisbiga kulmiye, kuwaasi oo caawa jiif iyo joogba u diiday  waxaanay tani  Waxba Kama Jiraan Ka Dhigaysaa Hadaladii kaadiriinta Kulmiye Ku Beerlaxawsan jireen bulshada Oo Dhan, Waana Mid Lagu Kalla Calaf Qaadi Doono Wakhtigeeda

Ilaa Hada Ma Jirto Cid Ka Hadashay Qodobada Iyo Heshiiska Lagu Soo Gunaanaday Shirar Doceedyadasi Uu Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan uu  Gabiley Caawa Kula Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Reer Gabiley

 

Maxamed Xasan Sheekh Maxamed (Juba )

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS