|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Oo Ku Sugan Magaalada Gabiley Iyo Shirar Doceedyo Gooni Gooni ah Uu La Yeeeshay Haweenka ,Aqoonyahanka +Haldoorta Gobolka,
January 17, 2017 - Written by Editor:Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Oo Ku Sugan Magaalada Gabiley iyo xisbi xaakimka kulmiye oo sas ka qaaday safarkiisa + Ujeedada Shirar Doceedyo Uu la yeeshay Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada..Gabiley (Wajaalenews) Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Ku Sugan Gobolka Gabiley Ayaa Shirar Doceedyo Kala Duwan La Yeeshay Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka Madaxda Dhaqanka Iyo Inta Labeenta U Ah Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Reer Gabiley. Waxaana Kulanadaasi Lagaga Wada Hadlayay Sidii Loo Dardar Galin Lahaa Wada Shaqaynta Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Iyo Bulshada Reer Gabiley, Isla markaasina Haldoorka Gobolkanni Qayb Laxaadleh Uga Noqon lahaayeen isbadalada siyaasadeed ee la rajaynayo in uu dalka ka dhaco waqtiga dhaw Sidoo kalana ay u noqon lahaayeen Mushiinka xisbiga si Reer Gabiley Ay u Noqdaan Baalasha Uu Ku Duulo Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Uguna Miisanka Culus Cad Iyo Cuduudba Waxana Wararka Aanu Ka Helayno Kulankasi Xuseen In Uu Xisbiga Wadani Gobolkani Gabiley ka wadaan qorshe la isku xidhayo Aqoonyahanka gobolka iyo masuuliyiinta xisbiga ee gabiley ,kuwaasi oo Uu Xisbiga Mucaaridka ah Ee Wadani Ku Yeelan Doono Gobolka Gabilay, iyada Oo La Filayo Inay Wax Badan Ka Badali Doonan Miisaanka Taageero Ee Xisbiga wadani Ku Leeyahay guud ahaan Gobolkani Islamarkaasina u Dhaqaajin lahaayeen Hawlaha Xisbiga Wadani, Waxa Kaloo Wararku Intaasi Ku Darayaan In Iyagu Maanta isku diyaarinayaan sidii ay Markale u Dhalin lahaayeen Isbadal Ka Dhaca Somaliland Si Kastaba Ha Ahaatee Socdaalka Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Uu Caawa Taageerada Ugu Soo Hooyay Xisbiga wadani Ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Uu Xisbiga Kulmiye Isasiiyay Taageerada Bulshada Reer Gabiley Oo Dhan Islamarkaasina Marar Badan Ay Ku Celceliyeen kaadiriinta Kulmiye in Aan Xisbiyada Mucaaridka ahi Ayna Cod Ka soo Hunguraynin Guud ahaanba Bulshada Gobolka Gabiley Balse Arankani Ayaa sas ku riday xisbiga kulmiye, kuwaasi oo caawa jiif iyo joogba u diiday waxaanay tani Waxba Kama Jiraan Ka Dhigaysaa Hadaladii kaadiriinta Kulmiye Ku Beerlaxawsan jireen bulshada Oo Dhan, Waana Mid Lagu Kalla Calaf Qaadi Doono Wakhtigeeda Ilaa Hada Ma Jirto Cid Ka Hadashay Qodobada Iyo Heshiiska Lagu Soo Gunaanaday Shirar Doceedyadasi Uu Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarid ka Ah Ee Wadani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan uu Gabiley Caawa Kula Yeeshay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Reer Gabiley
Maxamed Xasan Sheekh Maxamed (Juba ) Wajaalenews.net Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|