|
|||||
WAJAALE NEWS
HALKAN KA AKHRI ; MAANSADA “AAFO-QARAN” OO UU CURIYAY ABWAAN MUUSE MADAR CAWAALE.
January 10, 2017 - Written by Editor:Ismaydoorin Udubkaan Gambiyay iyo kaanu Aargudaye Labaduba xilkii loo Igmaday way Ajeeyeene Haddii Aan Ilaah Naga furfurin Dawladdaa Ooman Misgiiddada Inay Iibiyaan la Arki Doonaaye. Waxay Halka Idiinku soo Gudbin Doonaa Maansada ( Gabayga ) ka hadlaya xaalada dhabta ah ee xiligan ka jirta Somaliland iyo sidii xukunka looga tuuray dawladii kali taliska hayd ee Siyaad Bare waxana Maansadan curiyay Abwaan Muuse Madar Cawaale SIdoo kale Maansadan ayaa ka xog waramaysa sida kuwii shacabka xilia u hayay uboobayaan hantidii umada kaasi oo aanay jirin cid hoos u eegta danyarta iyo Agoonta. HALKAN KA AKHRI GABAYGA AAFO -QARAN IYO ABWAAN MUUSE MADAX CAWAALE Caliyoow Araartiisa Gabay waan Astayn jiraye Waataan albaabada uxidhay erayadaydiiye Sidii geel ugbaadiyo kunool idhankii buushaale Amma looga ooddhigay karmaha igu irmaanaaye Balan eego caawana bartaan ka ambaqaadaayo Istiqlaalki baaba’ay markii xamar lasoo aaday Ummaddii an soo ururiyeen aag iskugu keenay Markii an ardaa wada fureen ehel walaaleeyay Taladii afwayniyo la eed aragtidiisiiye Culimada ayaantii udilay uu aasay magaceenna Aayadaha quraanka ah markuu geeskalaw eegay Somalidu argagaxii ku dhacay way ogsoontahaye Oofwareenki uu naguridiyo aramidaa taagan Eeduhuu sameeyay dunidu la amakaageene Kala ood dadkii aan lahaa haysku eertaane Waakii umula doox ka dhacay idil ahaanteede Markay kala ugaadhawday uu jeesba meel aaday Sidii adhi dugaag helay markay iniba meel yaacday Ololaha colaadeed markii loo alaabqaatay Nin walliba itaalkii markuu amar la’aan duuley Atan dheriga iyo kaarihii udubka soo goostay Awooddii siyaadbaan udhigay madaxa aaroowe Waxan ahay nin aarsaniyaqaan malintii adage Waataan ablay kaga dhacsaday aalladdoodiiye Abbaan duulayaal badan markii ayda lagu laayay Ambabexe intii soo hadhiyo oromadoodiiye Afartaa intaan adakadegay ila xidh mawyeelay Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede Ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa Ayaxiyo aboorkaa nadagey waa ammuur culuse Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka maw sheegay Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane Afar kalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye Ayaantii kadeednayd markuu gelawgu eedaamay Raggu kala adage wiilashaan aarmigaw dhiibay Nimankii abaabulay taladi guusha lagu aaday Nimankii abaaraha umaray oonka iyo daalka Nimakii abeesada dhulkiyo halaqa oon mooday Nimankii ardaa qodaxlihiyo uumigaw seexday Nimankii ateerada ugelay ololka qiiqaaya Nimankii adeeryada ucunay aaraydiyo diinka Rajadii abaaddiyo raggii amalka nooleeyay Ilayskaba kuwii nooshidaa laga ilaashaaye Eereerku waaguu dhecee uuska lagu maydhay Fulayaashi waagii ordee yurub u uugaamay Dalku inu ammaanyahay markuu uumiyuhu sheegay Iyagoo okholayaal sitay soo arooreene Markaasaa ishii soo baxdaba laga arsaaqaaye Afyaroo kalaan soobartay ku andacoodaane Calankaad arkaysaan kuwi oodahaw jiidhay Eelloo abaal gudilahaa laga ugaadheeye Ilaahay hadday garanayaan may illaaweene Ismaydoorin udubkaan gambiyay iyo kaanu aargudaye Labaduba xilkii loo igmaday way ajeeyeene Haddii aan ilaah naga furfurin dawladdaa ooman Misgiiddada inay iibiyaan la arki doonaaye
Afartaa intaan adakadeyay ila xidh mawyeelay Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane Afarkalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye
Waddankani wanaaggii ambaday uubta lagu tuuray Ee iilka lagu siiwadee aasidduun sugaya Ee kaan isdaaficin kakale adhaxda goynaayo Uqubada lakala iibsadiyo iriqa laaluushka Axdi dumay aqoon liidatiyo eexadiyo beenta Indho edebla oo ruux ildaran lagu ilaalaysto Madax adhiya injir aan dhergayn aragtidii jiirka Aqli tawafay iimaan qallalay uurka dhagaxoobay Agabyada lakala boobayeen laysku eedaynin Arkaan qaad anaa baahantiyo sharafka iimoobay itaysaha nagu dhiciyo oday qabiileedka Innamada lakala soocayee loo abtirinaayo Tahriibtay abuureen ra’yiga laga abaaroobay Albaabada dhamman nagu xidhmiyo ooddanagu jiidan Afka hadalka laga leeyihiyo uurka dabistiisa Arrinkeenna baadida noqdeen cidi abbaaraynin Ictiraafka aan raad lahayn aba abayintiisa Isdhexyaaca kala aaminbaxa orodka soo gaabtay ii adeeg dhibtana igu amman hana isoo eegin Intaasoo dadkii eedaybay ku intifaacaane Saw waxa abniga laga fishaa ayala’aan maaha Afartaa intaan adakadeyay ilaxidh mawyeelay Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane Afar kalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye Inyaroo tusaala ah haddaan idin ogaysiiyo Dadkani wuu ayaan daranyahoo waad arkaysaane Ninna uma tudhoo waayahay ku eryanaayaane Cashuuraha kuwaa lagu amree suuqa ka adeega Arrinxumo shantaaboqol kuwaa wali ku eedooba Golayaasha aafada noqdee uriya laaluushka iidhiibta nimankaa bartee uunku lacolloobay Iyagoon ogayn waxa ku jira iinka iyo hoosta Nimankaa hadday shilin arkaan afartabaw taaga Shaydaannaddaa urursanee meesha lagu ooday Kuwa ubacdu waynaatayee agabka soo dhoofsha Dheecaanka aadmiga kuwaa ku isdareexaaya Nimankaa alaabaha dhiciyo qudhanka iibkeena Askariga abeesada noqdee jeebcidkale eegta Afka kii ubuuxshaa yidhaa qaata amarkayga Anfacoodu nimankaa uyahay umadlasoo boobo Dhakhtarrada dadkoogoo ildaran beenta ku adeegta Uusmiirka mayd go’ay kuwaa siiya ubadkooga Qaar yurub ka soo oogsadoo arammi ay jiifto Oo aan aqoon badan lahayn ururso mooyaane Iyo koox orgome yaalahoo aradka sii joogtay Oo aan anshaxa dawladnimo mella ka aqoonnin Agaasime kalagu sheego iyo idil wasiiroo dhan Intaasoo qalbigu wada engegay oo ehelunaareeda Oo aan adduunyiyo ifkiyo aakhiraw tudhannin Marka diinta laga soo arrado waalla eedaaye Nimanka ammanada cunee iilku diidaayo Balan eegno waxay iibsadeen boqol inkaaroode
Afartaa intaan adakadeyay ilaxidh mawyeelay Runta waxay ilmaadeer yihiin alufka diimeede Ansaxweeyi maansadu markay aydin leedahaye Abaaguridan nagu raagtay iyo yaydan orinaysa Ayaxiyo aboorkaa nadegay waa amuur culuse Alhuumooyinkaa nagu habsaday uunka mawsheegay Ma iftiinshay taariikhdu waa lama illaawaane Afarkalana waxan doonayaa inan idhaahdaaye Ururkaa ansoo sheegay waa lama illaawaane Aflameerayaashaa wakhtigu nagu ilhaameeyay Arxan yarida waxa lagu matalay reer asraa’iile Indheer garad haddaad moodaseen malaha aataare Abu jahal sidiisay qalbiga ka ibtiloobeene Asaxaabti nimankii dhibay ehel wadaagaane Usgaggii fircooniyo nagruud waysu eegyiine iimaanka waxay dhuunsadeen aamanuun hore ooryahooga mooyee cidkale uma adeegaane saban aakhirkaa lagu arkaa edebla’aantaase qof adduunyo haystaa ka adag kii itaal darane agoomihii ay boobeen ayaan cidina eegayne iyaguna ma aarsani karaan way asqoobeene ashkatada waxay ulategaan qaar inkaarqaba magtabadi addoonsaday ayay ku agwareegaane ilmaday udaadshaan sidii geel abaarsadaye odayaasha urugaysaniyo dumarka eedaaday ilahay ka sakaw dawladday eeganaayeene kuway aamineen bawgu wacan uurku taalada marhaddii indhaha laga qarsaday waa ayaankoode
waxba gabaygu yuu ila ordine waxan ku soo ooday adduunyadu hadday sii jirtoo waayo lagu oolo anfariirka suurtiyo haddan malaggu eedaamin onkodiyo nabsigu waa sidii oogta waabariye maruumbay ayaan lagu farxaa imani doontaaye maruumbuu agoon daaje iyo aabbo soo degiye maruumbuu wanaaggaa ambaday aayar soo noqonne maruumbaa xaqoo lagu addimo la arki doonaaye maruumbay ikhaar loo xulaa imani doontaaye maruumbuu aqoonsigu ku iman idam ilaahaye dhallin yarada waxaan odhanayaa samirku waa aade u adkaysta tiinnii marbay imani doontaaye COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|