Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo Xaalad Caafimaad u Jiifa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo Xaalad Caafimaad u Jiifa.
January 24, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku soo booqday xildhibbaan Ibraahim Axmed Haybe(Kacaan) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla mar ahaantaana muddooyinkii dambe u jiifay xaalad caafimaad.

buuqasho 2

Booqashadan guddoomiye Cirro oo ay ku wehelinaayeen xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga, xildhibbaano iyo weli ba mas’uuliyiin kale, ayaa ugu horeyn waxa xaaladdiisa caafimaad uga waramay xildhibbaan Ibraahim Kacaan iyo weli ba sida oo kale Ooridiisa, waxaana ay sheegeen in ay hada ay aad u wanaagsan tahay xaaladda xildhibbaanku balse baxnaano ay ku wadeen maalmahii ugu dambeeyey oo aanu ka soo reynin siddii ay doonayaan in ay xaalad caafimaad ugu qaadaan dalka Itoobiya si halkaas looggu soo daweeyo.

buuqasho 1

Xildhibbaan Ibraahim Kacaan oo si kooban u la hadlay guddoomiye Cirro, ayaa u sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada uu ugu yimi, waxaana uu Alle uga baryey in uu kheyrkeeda siiyo sida oo kale na uu isna xanuunka ka dulqaado.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlayey xildhibbaanka Ibraahim Kacaan, ayaa ugu horeyn Alle uga baryey in uu xanuunka ka dulqaado sida oo kale na uu dambi dhaaf ugu bedelo intii uu xanuunsanaayey, waxaana uu oorida iyo qoyska xildhibbaan Ibraahim Kacaan ba uu halkaas ku siiyey talooyin la xidhiidha xaaladda caafimaad ee Ibraahim Kacaan iyo sida ay ka yeelayaan wakhti xaadirkan.

 

COMMENTS
LINKS