|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Magacaabay Gudoomiyaha Sadexaad Ee Xisbigaas
January 15, 2017 - Written by Editor:Ku: Xuseen Aadan Cadde =Hargeysa = Og: Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE =Hargeysa = Og: Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE =Hargeysa = Og: Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud =Hargeysa = Ujeeddo: Magacaabista Guddoomiye Ku Xigeenka 3-aad ee Xisbiga KULMIYE Kadib markaan arkay xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee xisbiga KULMIYE ee bannaannaaday ansixintii Shirweynihii 3-aad ee xisbiga KULMIYE kadib.
Kadib markii aan la tashi la sameeyey xubnaha Hoggaanka xisbiga iyo cidda kale ee ay khusayso. Kadib markaan arkay muhiimadda buuxinta xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee bannaani u leedahay waqti xaadirkan habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay:
Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Mudane Xuseen Aadan Cadde ku asturo xilka iyo masuuliyadda culayskeeda leh ee uu u qaaday dhammaan bah-weynta xisbiga KULMIYE.
NB: Magacaabista xilka Guddoomiye-ku-xigeenimo ee kor ku xusan waxa ay dhaqangali doontaa ansixinta shirka Golaha Dhexe ee ugu horeeya kadib. Xil gudasho wacan.
ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi ______________________________________________ Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Related posts:Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Deg Deg Wax Uga Qabato Tabashada Ciidamada Qa... Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarkii Lagu Qaaday Laba Masaajid Dalka New Zealand Iyo Tirada Dadka So... Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La Yeeshay Labadii Xubnood Ee Iska Casilay Qaban-qaabada Shirka Kulmi... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|