Gudiga Abaaraha Somaliland Oo Isku Badashay Marin Musuq Maasuq Iyo Habka Loo Maamulay Iibka 20 Booyadood Oo ay Dhawaan Soo Iibsadeen + Shakhsiyaadka Hayb Qabiil lagu Siiyay . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudiga Abaaraha Somaliland Oo Isku Badashay Marin Musuq Maasuq Iyo Habka Loo Maamulay Iibka 20 Booyadood Oo ay Dhawaan Soo Iibsadeen + Shakhsiyaadka Hayb Qabiil lagu Siiyay .
January 22, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Gudida Abaaraha Somaliand ee Heer Qaran Oo ay Safka Hore kaga Jiraan Culimada Waawayn ee Dalka Qaar ka mid ah isla markaana sumcad fiican ku dhex leh shacabka Somaliland, ayaa Waxaa maalmihii u danbeeyay soo ifbaxaysay dhaliilo culus oo loo jeedinayo qaabka ay u shaqayso gudidan iyo sida loo maamulo dhaqaalaha xoogan ee ay ugu deeqeen ganacsatada,qurba joogta iyo cidkasta oo ka damqatay xaalada ba,an ee ay ku sugan yihiin dadka reer soomaliland ee ay ku habsatay abaarta baahsan.

Hadaba Gudidan ayaa waxaa gudoomiye u ah madaxwayne ku  xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, inkasta oo aanay jiran door muuqda oo uu ka qaato habsami u socodka hawlaha gudidan iyo sidii ay bulshada u gaadhi lahayd gurmadka taakulaynta dad iyo duunayaba.

SAYLICI

Sidoo kale gudidan abaaraha oo xiligan u muuqata marin casri ah oo ay xubno ka mida xukuumada siilaanyo ku lunsadaan hantida qaranka isla markaana ay bulshada u isticmaalaan sharafta ay xubanahan culimada ahi ku leeyihiin gayiga Somaliland ay u saamaxday in aan bulshadu waxba kala socon habka ay u maamulaan dhaqaalaha xoogan ee soo gala iyo halka ay ku dhacdo 25% miisaaniyada haayadaha dawlada laga jaray 2016 taasi oo aan si cad loo ogayn halka ay ku dhaco iyo cida gacanta ku haysa Dhaliilahan baahsan ee xiliagn dul hogonaya Gudida abaaraha iyo xubnaha wasiirada ee lagu tuhunsan yahay in ay sitoos ah ay gacantooda u gasho dhaqaalahan soo gaadha gudida abaaraha ayaa iyadu maalinba maalinta ka danbaysa isasoo tarasa, waxaa Arimahan ay xoog u soo shaac baxeen dhawaan markii gudida Abaaruhu sheegen in ay iibsanayaan 2O Booyadood oo ay ku sheegen in ay ka qayb qaadanayaan gurmad abaaraha ayna gacanta ku haynayaan isla gudida abaaruhu iyada oo soo iibinta gaadiidkan la siiyay laba qof oo ay isku jufo yihiin wasiirada maaliyada kuwaasi oo sida la sheegay sitoosa loogu gacan galiyay, iyadoo aanay jirin wax tartan ah oo loo galay waxana xusid mudan in aan la marin sifihii sharciga ahaa iyo gudida qandaraasyada qaranka toona, taasi loo lacagta ku baxay lagu sheegay boqolaalkun oo dollar,

Dhanka kale qaabka ay u shaqeeyaan gudidan ayaa lagu tilmaamay in ay maamulkeeda gacanta ku hayaan koox isku wada jufo ah isla markaana ay maamulkeeda u isticmaaleen qaabka fog ujeedooyinkii i loo aas aasay Gudigan iyo qaabkii loogu talo galay in ay u shaqayso Isku soo wada duuboo waxa aynu ka warsugi doonaa halka ay ku danbayso habsami usood hawlaha gudigan iyo fadeexadaha musuq maasuq ee hadheeyay.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS

COMMENTS
LINKS