Go,aan Noocee ah Ayuu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ka Qaadan Doonaa Hadii Golaha Guurtidu Afganbiyo Geedi Socodka Dimuqraadiya Iyo Heshiiska Asxaabta Qaranka Iyo Komishanka ??? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go,aan Noocee ah Ayuu Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ka Qaadan Doonaa Hadii Golaha Guurtidu Afganbiyo Geedi Socodka Dimuqraadiya Iyo Heshiiska Asxaabta Qaranka Iyo Komishanka ???
January 26, 2017 - Written by Editor:

Mustaqbalka Hogaamineed Ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali Waxa  uu Ku Xidhnaan Doonaan Hadba Go’aanka Uu Ka Qaato  Afganbi Golaha Guurtidu Ku Sameeyo Sharciga Dalka Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka S/land!!!

 HARGAYSA(W,N) Waxaa Hubaala in Mustaqbalka Hogaamineed Ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali Waxuu Ku Xidhan Yahay Hadba Go’aanka Uu Ka Qaato Muddo Kordhin Golaha Guurtidu U Sameeyo Madaxwayne Siiraanyo Oo Afganbi Ku Ah Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran Iyo Komishanka Doorashooyinka iyadoo ay jiraan Waajibaad Distooriya oo aanu Gudan sida Dhaartii Distooriga ahayd ee Masuuliyiinta Qaranka Sida Golaha Wasiirada Wasiir ku Xigeenada oo aan la Dhaarin .

gudomiyaha maxkamada sare

Iyadoo Muwaadiniinta u Ololeeya Geedi Socodka Dimuquraadiyadu ay Quus ka joogaan Golaha Guurtida oo mar kasta ku kaca Go”aano Khilaafsan Heshiiska Daneeyayaasha Doorashooyinka waxaana Warwar hor leh ku keentay xeeladaha ku Lamaan Wareegtada Madaxwayne Siiraanyo ku hoos geeyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maamulka Kharashaadka Maxkamadaha Hoose ee Dalka waxayna Muwaadiniinta u Ololeeya Dimuquraadiyadu isha si gaara  ugu hayaan Go”aanka uu ka qaato Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cal,Muddo kordhin Afganbi ku ah Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land Heshiiska Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka oo Golaha Guurtiodu ku kaco.

aadan xaaji cali

Inkastoo Bulshada S/land si wayn ugu Bogaadisay kuna Habmalyaysay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali markuu soo gunaanaday Dacwado Dhull iyo Dhismayaal Muddo Labaatan Sanno ah Dacwadoodu ku jirtay Maxkamadaha S/land waana Guul Bulshada S/land ku bogaadisay Dr Aadan X Cali iyadoo Muddada uu Xillka hayay waxay Muwaadiniinta u Ololeeya ku dhaqanka Sharciga iyo Distoorka Dalka si wayn ugu Dhaliilaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali in aan marna Warbaahinta laga arag Masuul Xill Qaranka loo dhiibay uu Dhaartii Distooriga ahayd ku Dhaarinayo ball aynu dull joogsano Waajibaadka Distooriga ah ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali aanu Gudan oo Distoorku si Cad u Cadeeyay in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Xill iyo Masuuliyadi Gaar ahi ka saaran tahay.

Qodobka 128 aad ee Distoorka Jamhuuriyada S/land, Saldhiga iyo Saraynta Distoorka, Faqradiisa Labaad.

2: Gudoomiyaha Maxkamada Sare ahna Gudoomiyaha Maxkamada Distooriga ah ayaa Dhaarinaya Cid kasta oo Distoorku ku waajibiyay Dhaarta Distooriga ah inta aanu Xillka qaban, ka hor inta aanu Xillkiisa Bilaabin madal goob joog ka yahay Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenku haduu Madaxwaynuhu Buko ama maqan yahay  Sidoo kale waxaa isagana Dhaarinaya Madaxwaynaha .

Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay In Aan U Nqonayo Daacad Diinta Islaamka,Dalkayga S/land ,Dadkiisana Ku Maamulayo Sinaan Iyo Cadaalad Intaan Xillka Hayo .

Sidoo kale Mudo Toban Cisho ah laga joogaa Maalintuu Madaxwayne Siraanyo soo saaray Digreeto uu kaga hoos saaray Wasaarada Cadaalada Kharashaadka Maxkamadaha hoose ee Dalka kuna hoos geeyay Maamulka Kharashaadka ugu jira Miisaaniyada Gudoomiyaha Maxkamada Sare isla markaana uu si wayn u soo dhaweeyay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan Xaaji Cali Talaabada uu qaaday Madaxwayne Siiraanyo iyadoo soo dhawaynta Gudoomiyaha Maxkamada Sare ay Muwaadiniinta u Ololeeya Geedi Socodka Dimuquraadiyada ku keentay warwar hor leh oo ay ku tilmaameen mid laga Saadaalin karo in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali Golaha Guurtida ku raaci doono Mudo kordhin Afganbi ku ah Heshiiska Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka oo la filayo in ay u sameeyaan Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Guurtidu , ball aan dull joogsano Qodobada Distoorka S/land ee si cad u qeexaya Awooda Distooriga ah ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare .

Qodobka 98 aad Waaxda Garsoorka Faqrada Koowaad Xarafka ( J ).

1:  Garsoorku waxuu Awood u leeyahay.

( J ) In uu ka taliyo Muran kasta oo la Xidhiidha Waafaqsanaanta Distoorka .

Mar kale ball aan dull joogsanno Sadex Dacwadood oo Arimaha Doorashooyinka ku saabsan oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali hore uga gar naqay iyo Go’aanada uu ka soo saaray.

1: Dacwada Koowaad waxay soo gaadhay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali isagoo ku cusub Xilka Gudoomiyaha Maxkamada Sare waana Dacwadii u horaysay ee ku saabasanayd Arimaha Doorashooyinka uu Gudoomiye Aadan X Cali ka gar naqo iyadoo Khilaafkaa Xisbiyada Siyaasada ka dhex dhacay ay Sabab u ahaayeen Muddo kordhin Golaha Guurtida oo Afar Muddo Xileed Kuraasta ku fadhiyaa Kuraastu u sameeyeen Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada waxaanu ka soo saaray Go”aan Adag oo Rajo galiyay Muwaadiniinta u Ololeeya Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land iyadoo uu ku ladhay waqtigii Golaha Guurtida u mudeeyay Qabsoomida  Doorashada Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiilada oo ku beegnaa 28/3/2017 Go”aan Maxkamadeed oo Adag sidaana Hogaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada S/land ee hore iskugu khilaafay Mudo kordhinta Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada ay ku Gunaanadeen khilaafkoodii .

2: Dacwada Labaad ee hor timid Gudoomiye Aadan X Cali ayaa ku saabsanayd Khilaaf mudo soo jiitamayay oo  Xisbiga Ucid ragaadiyay una dhexeeyay Faysal Cali Waraabe  iyo Murashaxii Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxayna Dacwadaasi soo gaadhay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali isagoo mudo Sannad iyo Badh Xilka hayay waxaana Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doonaa in Gudoomiye Dr Aadan X Cali uu Garab maray Cadaalada kana soo saaray Go’aano baal marsan Sharciga Dalka S/land sida Xeer Lr 14/2011 uu si cad u qeexayo isagoo Xeer Lr 14/2011 cadaynaya in Faysal Cali Waraabe ahayn Gudoomiye Sharciya iyo Murashax Sharciya midna ka ahayn Xisbiga Ucid ah ball aynu dull joogsano Qodobka 12 tobnaad Faqradiisa Koowaad iyo Labaad ee Xeer Lr 14 /2011 .

Qodobka 12aad: Mudada xilka Madexweynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga

  1. Qofna jagada madexweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.

2.Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka badan.

3: Mar Sadexaad Gudoomiye Aadan X Cali waxuu ku raacay Go”aankii Madxwayne Siiraanyo ku kala reebay Labadii Doorasho ee isku Lamaanaa iyadoo Go’aankaa Sadexdaad Hogaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasada S/land ay soo wada dhaweeyaan balse  Muwaadiniinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada u Ololeeya iyo Wadamada Geedi Socodka Dimuquraadiyada inaga Taageera ee Kharashka faraha badan ku bixiya Doorashooyinka S/land ku Tilmaameen Go”aan dhabada u xaadhaya mudo kordhin dheer oo ay helaan Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada halka Golaha Guurtiduna ay fursad u helayaan Mudo kordhin Dheer oo ay Kursiga ku sii fadhiyaan taasina.

Waxaana Hubaala in Dimuquraadiyadu ku taagan tahay Todoba Tiir oo isku dheeli tiran waxaana Saldhig u ah Xisbiyo Siyaasadeed iyo Doorashooyin Xor ah Madaxwayne la doortay, Golayaal Baarlamaan oo hab Dimuquraadiya lagu soo Doortay  iyo Garsoor Madax banaan iyadoo Muwaadiniinta S/land Geedi Socodka Dimuquraadiyada u Oleleeyaa Warwar xoogan ka qabaan in ay Dimuquraadiyada S/land ay  Burburto Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo hadii uu Badbaadin waayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Dr Aadan X Cali .

Ugu danbayn waxaa hubaala in Diiwaanada Taariikhda Qarniyo danbe lagu Xusi doono dhamaan Masuuliyiinta ka qayb qaatay Burburinta Dimuquraadiyada S/land iyadoo Alle inaguma keenee aan la garanayn dhanka Geedigu u socdo oo Maanta xaalad Cabsi badan Dalka S/land ku jiro waa Barri iyo Bill danbe hadii Alle Yidhaa.

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

WAJALENEWS@GMAIL.COM

MUWAADIN FIKIRKAAGU WAA MUHIIM

COMMENTS
LINKS