Go’aamaddii Xumad Jabinta Ahaa Ee Xukuumaddu kasoo Saartay Sarif Bararka & Hoos Udhaca Shilinka Somaliland Oo Abuuray Suuqa Madow Iyo Gacanta Dambe Oo Cirka Isku Shareertay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Go’aamaddii Xumad Jabinta Ahaa Ee Xukuumaddu kasoo Saartay Sarif Bararka & Hoos Udhaca Shilinka Somaliland Oo Abuuray Suuqa Madow Iyo Gacanta Dambe Oo Cirka Isku Shareertay.
January 30, 2017 - Written by Editor:

Haddaad Caqli leeday

Intaad Cilmi-Baadho,

Car Suuqa Madoobi Cidduu Yahay Soo Hel! ABWAAN  GAARIYE,

 Hargeysa,  (Wajaalenews)- January 30,2017 Tan iyo intii go’aamadda xukuumadu ka soo saartay arimaha sirif bararka iyo miciishada kuwasi oo ahaa kuwa xumad jabinta ah ayaa waxa wadanka ka bilaabmay suuqa madow oo aan hore u jirin, isla markaana keentay in sarifka lacagta qalaad  gaar ahaan gacanta dambe ay hawadda isku shareertay.

lacagta-somaliland

Xukuumadda ayaa go’aamadda ay soo saartay waxa ka mid ahaa in sarifka isku bedelka lacagta dollar iyo shilling Somaliland aanu dhaafi Karin gacanta hore 6800 shsl halka dollar, halka gacanta dambe isna aanu dhaafi Karin toddoba kun SHSL.

Haseyeeshee, gacanta labaad oo ah marka aad lacag shilling Somaliland haysato oo aad u baahan tahay dollar ma heli karto, haddii aad heshana suuqa madow ayaa lagugu sarifayaa oo boqolka dollar markaad u baahan tahay waxa lagugu bedelayaa sagaal boqol oo kun waa haddii aad hesho.

Sidoo kale, marka aad shilling Somaliland haysato ee aad doonayso inaad wax iibsato waxa lagu xisaabinayaa gacanta dambe oo noqonaysa halkii dollar sagaal 9000 kun.shilling

“dee waxa imika bilaabmay suuqa madow oo laguu sarifi maayo haddii aad kaash haysato oo aad doolar u baahan tahay heli maysid, haddii aad heshana waxaad ku qasban tahay suuqa madow in lagugu sarifo inta ay doonayaan iyadoo boqolkii doolar sagaal boqol kugu siinayaa, ciidankii soo qaban lahaana si hoose lacag loogu dhiibayaa oo la odhanaya iska aamuso lacagta qaado halkaasi ayuu marayaa suuqii madoobaa”.sidaa waxa yidhi mid kamida shacabka oo ka cudur daartay in magaciisa la sheego

Go’aamadii xukuumadda ka soo baxay ayaa lagu sheegi karaa go’aamo xumad jabin ah si dadkii kacsanaa ugu nastaan, haseyeeshee dhibaato ayey dadkii u horseeday oo wax walba cirka ayuu ku maray.

Sidoo kale, waxa iyaduna xusid mudan in guddidii madaxweynuhu magacaaabay arrintan kor u qaadidda shilling Somaliland  gudoomiyihii guddidan wasiirada oo ahaa wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa isagu markiiba dalka ka dhoofay, taasina waxay keentay in guddidan kale oo u badan dad siyaasadda iyo maamulkanba ku cusub aanay waxba ka qaban kari Karin.

Go’aankan madaxweynaha ka soo baxay ayaa ahaa mid aan lagu fadhiisiin daraasad iyo hab cilmi oo lagula tacaali karo sicir bararka ka taagan isku bedelka lacagaha qalaad.

Guddidan madaxweynuhu magacaabay ayaa ku meeraysanaya sarifleyaasha oo ay ku qasbeen in aanay dhaafin Karin toddoba kun gacanta dambe, haseyeeshee waxa sarifleyaasha xukumaya ganacsatada waaweyn oo iyagu suuqa ka urursanaya doolar taas oo baahiddii dollar kor u qaaday.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkenan  gabaygii Abwaankii Qarniga Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye uu kaga hadlayey suuqa madow cidda uu yahay.

Abwaankii abwaanadda, faylasuufkii soomaalidda Hal abuurkii suugaanta Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo suuqa madow wax ka yidhi waxa uu yidhi :

Haddaad caqli leeday

Intaad cilmi-baadho,

Car suuqa madoobi

Cidduu yahay soo hel!

Cagaarka la leefay

Cirroolaha baahan

Ciyaalka jal beelay,

Hablaa carcaraafay

Cibaarada joogta

Canaanta ayaa leh?

Ma jeeblahan cawlan

Ayaa ku curyaanshay?

Kumaa cadawgaa ah?

Nin kuu cudud-sheegtay

Dhashaadana caydhshay;

Nimuu camalkiisu

Jar dheer kala ciiray;

Nin ceebta korkiisa

Caddaan ugu taalla

Aroorba cid saara,

Maxaad u cawaansan?

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

 

 

COMMENTS
LINKS