FALANQEYN: Maxaa Hortaagan Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Ee Muddo dhaafay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FALANQEYN: Maxaa Hortaagan Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa Ee Muddo dhaafay?
January 28, 2017 - Written by Editor:

Taakulo ay Beesha caalamka ina Siiyay waxaa bulshada Somaliland Gaar ahaan reer Hargeysa Xukuumaddu ugu bushaareysa Haqabtir dhinaca biyaha oo Muddo badan haystay Dadweynaha ku nool caasimada, Korodhka dad iyo duunyo ee magaalada Hargeysa ayaa keenay cidhiidhi dhinaca biyaha ah.

Shacabka Hargeysa oo lagu qiyaaso 1200, 000 kun qof(Hal milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qof) ayaa kusoo dhaweeyay Qalbi furan iyo laab Xaadhan, Dadku waxay nafahooda u sheegeen maalmo dhaama shalaydii Biyo la’aantu haysatay, caasimadii dalka oo ayaan Daro u aheyd biyo yari.

Madaxwayne Siilaanyo oo Muddo badan ku taamayey inuu Biyo ku filan caasimada keeno waxaa uu warkaasi u noqday Naruuro iyo wanaag, kar badan oo haystay oo balanqaadkiisii Xisbiga Kulmiye ahaana waa uu ka Ridey maaddaama uu Barnaamij Siyaasadeedkiisii 2010 uu doorashada ku galley Qodobkani ka mid ahaa ““Fidinta iyo balaadhinta biyaha caasimada Hargeisa.Ka faa’iidaysiga biyaha roobka, hakinta biyaha dooxyada, samaynta biyo xidheeno, riigag, ceelal gacmeedyo iyo baro lagu kaydiyo biyaha si loo cabbo wakhtiga jiilaalka”

Lacag uu madaxwaynaha Somaliland ku sheegay Konton Milyan oo Dollar-ka Maraykanka ($50,000,000) ayaa lagu bilaabay in lagu hirgaliyo Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa, Madaxwaynaha Maalinta uu furey mashruuca oo ku beegnayd 20 September 2015, Waxaa diyaar ahaa dhamaan qalabka iyo wax kasta oo galaya hawshaasi loo dhaqaaqay ee Biyo Balaadhinta Caasimada.

La bilaab Mashruucii, shaqaale la qaaday, oo Shirkado gaar ahi ku guuleysay Fulinta Hawshaasi, Waxaana kormeerka mashruuca beesha Caalamka looga dhigay Haayada UN HABITAT, Shirkad Itoobiyaan ah, iyo shirkado kale oo Somaliland laga leeyahay oo aan hore loo maqal ayaa ku guuleystay fulinta mashruuca si ugu guuleysteenba.

Dar dar lagu gal hawshii maaddaama aan sidii Dowga Ceerigaabo lacag loo raadineyn oo diyaar aheyd kharashka ku baxayay, Mashruucaasi waxaa la sheegay inuu dhamaanayo bartamihii bishii 8aad ee sanadkii hore laakiin waxba kama hirgalin oo wali magaalada Hargeysa biyihii laga doonayay inay soo gaadhaan ma iman.

Shirkada qandaraaska ku qaatay mashruucaasi oo amar diido dhowr goor ah kala horyimid masuuliyiinta haayada Ilaalada ka ah ee UN HABITAT ayaa keentay is fahan la’aan mararka qaar shaqadu u joogsato.Shirkadaha iyo Haayada waxaa inta badan iska horkeena tayada Alaabta lagu hirgalinayo mashruuca, haddey noqoto Jay, Sibidh, Shaqaale, Ciid iyo wax kale. Jayda oo aan mararka qaar aheyn midii haayaduhu lacagta ku bixiyeen oo mararka qaar lagu khasbo in shirkaduhu kii loogu talo galay ay keenaan waxaa yimaada caga-jugleyn dhinaca haayada ah taasi oo shirkaduhu ku handidaan inay dacwad ka gudbinayaa haayadaha.

Shaqaalaha Ajaanibka oo mararka qaar dadka deegaanka ee mashruuca ka shaqeeya ay isku dhacaan waxay mushkilad ku noqotay habsami u socodka mashruuca, Waayo? La xisaabtanka ninka Itoobiyaanka ah iyo Wiilka yar ama ninka kasoo jeedaa deegaanka ee Qodniinka Sameynaya ama shaqada ku jiraa maaha mid wanaagsan, waxaana shaqaalaha deegaanku marar badan ku hanjabeen inay dili doonaan haddii shaqada lagu adkeeyo ama lagu ilaaliyo, shaqaalihii maamulka ahaana ma haystaan damaanad ama cid qaadey amaankooda. Tusaale, Muddo afartan cisho ka hor ah Qof deegaanka ka tirsan ayaa dhirbaaxay Masuul Itoobiyaan ah, Waxaana u joogsatay shaqadii la wadey maalintaas.

Shaqaalaha Meesha ka Howgalay oo xad dhaaf ah waxaa ay keentay in habsami u socodkii shaqadu hooseyso, oo mararka qaar waxaa dhacda in shaqada la isku tuurtuuro. Inta badan dadka masuuliyiinta ee meesha ka shaqeeya ee aanu wada sheekeysanay waxaa ay ka cowdaan dadka deegaanka ee xubnaha sare ka ah mashruuca oo maalin walba kusoo celiya qofka shaqada xumeeyo ee laga fadhiisiyo ama ganaaxa loo diro, tani waxay keentay in qof shaqaale ah iyo masuul aanu jirin meesha. Muddadii u horeysay masuuliyiinta ka shaqeeya waa la ixtiraami jiray oo wakaalada Biyaha iyo haayada UN HABITAT ayaa awood ku lahaa mashruuca laakiin waxaa meesha ka baxday intii hore markay si fiican wax u socdeen UN HABITAT la iska ilaalinayay.

Masuuliyiinta haayada xili hore oo aroortii ah soo kormeera mashruuca waxaa ay inta badan la kulmaan shaqadii oo socota laakiin markay ka yimaadaan waxaa dhacda inay shaqadu fadhiid noqoto.

“Maalmaha qaar iyadoo meel la qodey ama maalmo dhan lagu jiray ayaa aroortii loogu yimaadaa Godkii oo la Aasay, Waxaa dhamaanba laga booday meelihii ugu muhiimsanaa ee ahaa Doox-yada in la shubo, iyagaa ugu hawl badan oo ay aheyd in la dhameeyo marka hore, Waxaa meesha ka maqan ku talo galka in Khatari (Uncertanity) timaado ama Roob soo Da’o dhulkii la qodey ayaa dib u aasma, halkaana shaqo kale ayaa kasoo baxda, Qofkii shaqeyn kari waayay ee la eryay ayaa berri isagoo shaqeynaya aad arkaysaa, Mashruucu maamul xumo iyo faro galin dadka deegaanka ah oo shaqadii ku milmay ayaa keenay inuu dib u dhaco, Shirkado yaryar ayaa meesha ka shaqeeya, waxaa lagu odhanayaa shirkadaasi Hebel ayaa ka sameystay Mashruuca, Dadkani kuwii loo shaqeyn lahaa maaha, Waayo? Qof waliba waa Macaash Doon”Ayuu ii sheegay masuul ka tirsan Shirkada Itoobiyaanka ah ka shaqeynaysa mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa.

Akhriste, Muuq baahiyaha, Maqal sidaha iyo Degalada Internet waxaa lagu Baahiyaa masuul ka tirsan dawlada oo mashruucaasi booqday, laakiin ma yaqaano Madaxwaynaha, Wasiirka, Masuuliyiinta haayada, Shirkadaha, Mareeyaha wakaalada Biyaha iyo Shaqaaluhu wakhtiga rasmiga ee uu dhamaanayo, La inooma sheegin xilliga lagu dhameystirayo sanad, Laba, Saddex iyo wax kale Toona. Wuu dhowyahay halkan ayuu marayaa, Sanadka Horaantiisa biyihii waa la helayaa, Durba laba jeer ayuu dib u dhacay, laakiin xaqiiqadu waa Sidan.

“Maalin walba waxaa lasoo qoraa shaqaale Cusub, midbaa tagay ayaa lagu odhanayaa oo hebelbaa lagu soo badalay, haddii aad waydiiso ayaa keenay ninka amma eryay kii hore, waxaa laguu tilmaamayaa dad magac leh oo markey dawlada la socdaan wanaagsan, Laba qolo ayaa dadka meeshu tahay, Shirkada Somaliland uga Wakiilka ah Itoobiyaanka iyo Dadka deegaanka, odeyaashii ayaa maalin joojiya odhanaya, Hargeysay imanayaan haddana kuwii shalay maaha, Mushahar ayuu qaataa odey Kasta oo deegaankan ah, Kii wax soo bartay halkan ayuu yimid, Kuwii miiyada joogey iyagaa Majarafadii iyo gaadiidkii haysta haddaad Mid la hadasho waa wada qalooc xaalku, waxbana ma soconayaan inta maalinba qof qof lagu badalayo, Marka ugu horeysa ee magaalada Hargeysa ay biyo Helaysaa waa 2018 dhexdiisa haddey ugu soo dhawaato”ayuu yidhi mar kale masuulkaasi.

Marka laga tago dadka haayada UN HABITAT u qaadatay hawsha mashruuca iyo shaqaalaheeda dadka kale ee ka shaqeeya mashruucaasi waa dad imika ay ugu horeyso shaqadan ay qabanayaan “Waa wada Injineer haddaad waydiiso meel kale maka soo shaqeysay waxay odhanayaan waa Maya, kii soo bartay waxaa la ii sheegay inuu xoog iyo dagaal kusoo galley shaqada, Imtixaanka la qaaday ayaa laga horeeyay macalinkiisii ayaa ku yidhi waa lagaa Helay Odayo ayuu soo kaxeeyay oo isagaa imika ka shaqeeya”

Inkasta oo shaqada mashruuca badh la qabtay haddana waxaa jira shaqooyin badan oo aan la qaban, Waxaa jira shirkado yaryar oo qof kaliya leeyahay, Hore dadkaasi uma laheyn shirkadaha ee mashruuca ayay ku dhex yeesheen, Gaadiidka qaar ka shaqeeya Biyo balaadhinta Hargeysa waxaa iska leh shakhsiyaad Xubin ka ah Mashruuca oo magacyo kala duwan kusoo galey.

Toddobaadka Soo socda waxeynu isla wadaagi Magacyada Shirkadaha Ka shaqeeya Biyo balaadhinta Hargeysa sida lagu Sameeyay, Cidda Sameysa,Sidoo kale waxeynu isku sheegi Yaa Keenay in maalinba Shaqaale Cusub la keeno oo Shaqadii ka socon wayday? Yaa la wareegay maamulkii Biyo balaadhinta Hargeysa ee ku Koobnaa UN HABITAT iyo Wakaalada Biyaha Hargeysa? Sidee xal loogu heli karaa Dhibaatada ka jirta Mashruuca? Madaxwayne Siilaanyo Guul maka gaadhey Yoolkiisii ahaa in Caasimadu Biyo ku filan hesho Muddo Xileedkiisa? Sidee loo xakameyn karaa Qofafka iyo Dadka Hanjabaada ku haya Shaqaalaha? Sidee looga Hor tagi karaa dadka Deegaan ahaan wax ku doonaya? Maxaa iska badaley Qorshihii ahaa inuu sanadkan 2017ka Dhamaanayo? Lacagtii ku baxday mashruuca inta la qabtay? Maxaa lacag Yaalla? Shaqaaluhu ma qaataan Mushahar leeg shaqada ay qabtaan, Mise waxaanay qaban lacagtooda ayay usoo xaadiraan? Maalmaha sida Fiican looga Shaqeeyo? Masaafo intee leeg ayaa hadhey 23KM ee Beebka la dhigayay? Ceelashii maxaa Hirgaley? Maxaanse Hirgalin? Muxuu ka ogyahay Madaxwayne Siilaanyo tallaabooyinka lagu curyaaminayo Mashruuca?.

La Soco……………

W/Q: Ilyaas Cabdi Cali.

Ilyasdable1994@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland

COMMENTS
LINKS