Faah faahinta Dab Xoogan Oo Maanta ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Iyo Khasaaraha Uu Sobobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah faahinta Dab Xoogan Oo Maanta ka kacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Iyo Khasaaraha Uu Sobobay
January 21, 2017 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) – Warar dheeraado oo laga helayo dab xoogan oo duhurnimadii maanta ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa safarweynaha iyo suuqa timirta.

Hadaba  dabka ayaa ugu horeyn ka kacay maqaayad sida la sheegay ka soo jeeda masjidka Shuhadaa ee ku yaala gudaha Cabdala Shidiye, waxaana uu bilaabay dabka in uu u gudbo dhismayaal kale oo ka agdhawaa goobta uu markii hore ka kacay.

dabka kacay bakaaraha

Ganacsatada suuqa ayaa bilaabay in ay hantidooda kala baxaan dhismayaasha ka agdhaw qeybaha suuqa ee wali dabka uu ka soconayo.

Goobta waxaa ku sugan ilaa shan dabdamis oo isku dayaya in ay damiyaan dabka, waxaana sidoo kale goobta ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dadka ka ilaalinaya in ay xatooyo iyo boob ka geystaan suuqa.

Qof ku sugan Suuqa ayaa sheegay in ilaa iyo hada khasaare nafeed uusan geysan, hasse ahaatee uu jiro khasaare hantiyeed, waloow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu khasaaruhu  leeg yahay.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuq siweyn cidhiidhi u ah oo dhismayaashu yihiin kuwo siweyn isugu dhaw dhaw, waxaana xusid mudan in suuqa ay ku badan yihiin goobaha maqaayadaha ah ee laga cunteeyo, oo ah kuwa inta badan sahla dabka ka kaca suuqa.

 

Wajaalenews desk

Muqdisho Office

Email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS