Dhakhaatiir Hubin Doonta Caafimaadka Xoolaha Soomaalida Oo La Filayo In Ay Dawlada Sucuudigu U Soo Dirto Somaliland Iyo Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhakhaatiir Hubin Doonta Caafimaadka Xoolaha Soomaalida Oo La Filayo In Ay Dawlada Sucuudigu U Soo Dirto Somaliland Iyo Somaliya.
January 7, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)-Wasaaradda Xannaada xoolaha iyo Deegaanka ee dalka Sacudiga ayaa sheegtay in ay dhakhaatiir u soo direyso dalalka Somaliland Soomaaliya si ay u baadhaan caafimaadka xoolaha ee ay dhoofsigooda hakadka gelisay.

Dhakhaatiirta ayaa la filayaa in ay tagaan Maxjarrada Xoolaha laga dhoofiyo ee Somaliland Soomaaliya sida kan Berbera iyo Boosaaso oo ah meelaha ugu badan ee laga dhoofiyo Xoolaha Sacuudiga loo qaado.

Dowladda Sacudiga ayaa sannadkiiba 10 milyan oo Neef ka iibsata Caalamka, waxaana 5 Milyan oo ka mid ah ay ka qaadan jirtay Somaliland iyo Soomaaliya.

Hakadka ay ku jiraan dhoofinta Xoolaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa ay saameyn ballaaran ku yeelatay dadka ay xoolahoodu u dhoofin jiray dalkaasi.

Sacudiga ayaa Bishii December ee sannadkii hore joojisay dhoofsiga xoolaha Somaliland iyo Somaliya kadib markii ay sheegtay in Xoolaha ay kaga baqayaan Cudurka durayga ee ay Kaneecada u gudbiso Xoolaha.

 

COMMENTS
LINKS