|
|||||
WAJAALE NEWS
Dad Tahriibayaal ah Oo Ilaa Iyo Hada Lalaayahay Meel ay Jaan Iyo Cidhib Dhigeen Ka Dib Markii ay Dooni Kula Gadoontay Bad waynta U Dhaxaysa Libiya Iyo Talyaaniga
January 15, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Inta la xaqiijiyay 8 ruux ayaa ku geeriyooday tiro gaadhaysa 100 qofna waa la’layahay kadib markii doon siday Muhaajiriin Afrikaana ah ay ku digtay Badda u dhexaysa Waddamada Liibiya iyo Talyaaniga . Ciidammada ilaalada xeebaha ee Waddanka Talyaaniga, ayaa soo badbaadiyay Afar qof oo dadkaasi ka mid ah halka sideeda dhintayna ay maydkooda Badda ka soo saareen. Muhaajiriintan ayaa ka baxay xeebaha waddanka Liibiya, waxana ay ku sii jeedeen waddamada Yurub. Waxa socda Gurmad ay wadaan ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga oo gacan ka helaya, Maraakiib dagaal uu uu leeyahay dalka Faransiisku. Doonta ayaa Degtay maalinimadii shalay, waxana habeenkii xalay hawlaha gurmadka lagu baadigoobayo dadkaasi saamayn ku yeeshay cimilada oo Xumayd iyo weliba badda oo kacsaneed. Doonta digtay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen 107. Ilaa hadda lama xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan muhaajiriintan Doontu kula degtay badda Mediterranean-ka. maalintii jimcihii la soo dhaafay ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay tiro muhaajiriin ah oo gaadhaya 550 qof kuwaas oo ku safraayay Badda Mediterranean-ka. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tiro ka badan 5,000 oo qof ay ku dhintay Badda Mediterranean-ka sannadkii la soo dhaafay ee 2016 kii kuwaas oo damacoodu ahaa in ay u gudbaan Qaarada Yurub.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|