Daawo: Orodyahanka Caanka ah Mo Farah Oo Si Adag Uga Hadlay Sharciga Madax Waynaha Maraykanka Ee Donald Trump Uu Dalkiisa Kaga Mamnuucay Dadka Aan USA U Dhalan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Orodyahanka Caanka ah Mo Farah Oo Si Adag Uga Hadlay Sharciga Madax Waynaha Maraykanka Ee Donald Trump Uu Dalkiisa Kaga Mamnuucay Dadka Aan USA U Dhalan
January 30, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Sir Mohamed Farah ayaa si adag uga hadlay sharciga madax waynaha Maraykanka ee Donald Trump uu dalkiisa kaga saarayo dadka aan USA u dhalan wuxuuna Sir Mohamed sheegay in boqorada Ingiriiska ee Her Majesty ay siisay darajada knighthoodka hakla muddo  bil gudaheed ah madax wayne Donald Trump uu ka dhigay shisheeye aan u safri karin USA si uu carruurtiisa ugu laabto oo dalka Maraykanka degan.Madax wayne Donald Trump ayaa saxeexay sharci u diidaya in dadka todoba wadan oo Muslim ahi ay dalkiisa soo galaan.

Qoraal rasmi ah oo uu Sir Mohamed Farax soo saaray ayuu ku yidhi: “Kowdii January ee sanadkan, boqorada  Her Majesty waxay iga dhigtay Knight, January 27, madax wayne Donald Trump wuxuu u muuqdaa mid aniga iga dhigay shisheeye. Waxaan ahay muwaadin British ah kaas oo America ku noolaa lixdii sanadood ee la soo dhaafay. Si adag u sheegayay si uu bulshada wax ugu soo kordhiyo, bixinayana cashuurtayda isla markaana keenay caruurtooda goobta ay hadda ugu yeedhayaan gurigoodii”.

Sir Mohamed Farah oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: ” Hadda, aniga iyo qaar kale oo badan oo aniga ila mid ahi waxaa loo sheegay in aan la soo dhawayn doonin, waa mid si qoto dher dhibaato u ah in ay qasab igu tahay in aan carruurtayda u sheego in aanu aabo awoodi doonin in uu guriga ku soo laabto iyo inn la sharaxo sababta uu madaxwaynu u soo saaray sharci ka yimid goob jahli ah isla markaana dhinac ah”.

Sir Mohamed Farah oo ka hadlaya qaabkii dalka Britain loogu soo dhaweeyay markii uu isaga oo sideed sano jir ah ka Yimid Somalia iyo guushii uu gaadhay ayaa yidhi:  “Aniga waxaa la igu soo dhaweeyay Bratain markii aan Somalia ka imid aniga oo sided sano jir ah, waxaana la isiiyay fursada aan ku guulaystay ee aan ku xaqiiqsaday riyooyinkayga, waxaan u hanwaynaa in aan soo matalay dalkayga oo aan biladu ugu guulaytay dadka Ingiriiska ah isla markaana ay ku helay sharafta ugu wayn ee knighthoodka”.

https://youtu.be/I9Js8u8Ygfs

 

COMMENTS
LINKS