Daawo: Xaaska Madaxweyne Obama Oo Khudbadeedi U Danbaysay Kaga Hadashay Kala Duwananshaha Dadka Ku Nool Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Xaaska Madaxweyne Obama Oo Khudbadeedi U Danbaysay Kaga Hadashay Kala Duwananshaha Dadka Ku Nool Maraykanka.
January 7, 2017 - Written by Wariye:

xaaska.jpgWashington(WJN):- Xaaska Madaxweynaha dalka Maraykanka Michelle Obama ayaa khudbadeedi ugu danbaysay, ee iyadoo marwada koowaad ah u jeedisay shacabka dalkaas, taas oo ay kaga hadashay kala duwanaanshaha dadka Maraykanku wanaaga ay leedahay iyo quwada ay gaadhsiisay dalkaas.

Michelle Obama oo khudbadeedan ugu danbaysa ku beegtay, Munaasabada abaal marinta dugsiyada dedaalka sameeyay ee dalka Maraykanka, oo ah abaal marin sanadeed ay iyadu bixiso, waxa ay kaga hadashay, kala duwanaanshaha dadka Maraykanku faa’iidada ay leedahay iyo wanaaga ku jira, waxaanay cadaysay in ilme kasta oo qof qoyskiisa ka mid ahi ku dhashay Maraykanka uu qayb ka yahay umadda reer Maraykan, waxaanay ka digtay dhibaatada kala faquuqa iyo kala saarista shacabka Maraykan ka dhalan karta.

Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS