|
|||||
WAJAALE NEWS
“Caqli Xumada Somaliland Waa Ta Odhanaysa Ina Cali Waraabe ayaa keligii Xisbi ah, WADDANI Anigu Waan Ixtiraamayaa Ra’yigooda Marka laga Reebo Kuwa Qaba Xanuunkii aan ka Bogsaday ee Muuse-Diidka”Muj. Cali Guray
January 10, 2017 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee la xidhiidha qabashada doorashada madaxtooyada oo ay ku gadaaman yihiin duruufo adag oo ay ka mid tahay abaarta ba,an ee dalka saamaysay waxaana uu sidaasi ku sheegay mar uu bartiisa xidhiidhka bulshada ee facebook soo dhigay qoraal kooban oo u dhignaa Sidan: “Yaa yidhi waxa ay laba xisbi isku raacdo ayaa sharci ah? Goorma ayay xisbiyadu noqdeen Sharci dejin? Dastuurka ayaan eegay dhamaan xeerarka Baarlamanka waan eegay anigu kuma hayo xeer odhanaya xeer laba xisbi hadii ay isku raacaan yaan doorasho la qaban sharci bay noqonaysaa Caqli xumada Somaliland waa ta odhanaysa Ina Cali Waraabe ayaa keligii xisbi ah. Xisbi yahanka WADDANI anigu waan ixtiraamayaa ra’yigooda marka laga reebo kuwa qaba xanuunkii aan ka bogsaday ee MUUSE-DIIDKA. Lakiin Ina Cali Waraabe maaha qof jira oo caqligiisu dhan yahay oo u qalma in wax laga waydiiyo dan ummadeed. Inta aanu dan qaran ka talin wuxu ka talin lahaa danta xisbigiisa oo la ogyahay inu isagu iska hortaagay inu tartami karo oo uu beegsan karo inu noqdo xisbi qaran. Maanta nacnacdiisa cidii dhegaysanaysaa ha iska dhegaysayo. Waa iib u joog ee maantana tollow waa ayo cidda uu is leeyahay aad caamaysid. Waa qof aan shakhsiyad iyo karaamo midna lahayn oo hadaad aaminto ku khiyaamaynaya hadii aad wacad la gashana aan oofinayn ee ka baxaya oo bilaa wacad ah. Marka qofka sidaas ah la karaameeyo ee masiirka ummadda waxa laga waydiiyo ayaaba qalad ah. Lakiin waa qof maalinta aad u baahan tahay in lacag ahi kuu goyn karto.
Related posts:Ciidanka Dab Damiska Oo Damiyay Dab Qabsaday Guri ku Yaala Xaafada Xasan Cawke Ee Magaalada Wajaale. Kulan Lagu Naaqishayay Tayaynta iyo Qaabka Ay U Shaqeeyaan Warbaahinta Website-yada Somaliland oo Ha... DAAWO:Marwadda Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Waris Oo Saxaafadda Madaxa-Banaan Ka Dalbadatay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|