|
|||||
WAJAALE NEWS
Barack Obama oo ka jeediyay khudbadiisii u danbaysay Chicago.
January 11, 2017 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN) Madaxawayne Obama ayaa ka jeediyay Khudbadiisii u danbeysay ee uu kaga tagayay xilka Madaxweyne nimo Magaalada Chicago, khudbadan ayaa uu kaga hadalay arrimo laxidhiidha intii uu xafiiska hayay. “Dhinac walba marka loo eego Maraykanku imika waa uu kafiicanyahay sidii uu ahaa 8 sano kahor, waa dal xoog badan”Mr. Obama ayaa yidhi. Waxa uu ka codsaday dhamaan Dadka Maraykanka ku dhaqan ee kala duwan inay isku ixtiraamaan aragtiyahaooda kala duwan, oo ay is dhagaystaan. Obama ayaa ah Madaxwaynihii u horeeyay oo Madaw Maraykana, waxa uu xilka ka tagayaa isaga oo da’diisu tahay 55 jir . Obama ayaa sannadii 2008 si wayn loo doortay isaga oo ay dadku ku doorteen farriin rajo iyo Isbadal uu sheegay. Madaxwaynaha xigaya Obama Donald Trump ayaa sheegay inuu badali doono siyaasado uu Obaman saxeexay in la hirgaliyo. .Mr Trump ayaa loo dhaarin doonaa xafiiska Madaxwaynaha 20 January. Mr. Obama waxa uu sheegay inay kamid tahay calaamadda domoqraadi ee lagu yaqaanno Maraykanka in madaxwaynayaashu si nabadi ku dheehantahay xilka ay iskugu wareejiyaan. Laakiin waxa uu yidhi “Dimoqraadiyadeenu qiima mayeelanayso haddii aanu cid walba haysan fursad dhaqaale”. Hargeisa Office Source : BBC World Service COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|