Barack Obama oo ka jeediyay khudbadiisii u danbaysay Chicago. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Barack Obama oo ka jeediyay khudbadiisii u danbaysay Chicago.
January 11, 2017 - Written by Wariye:

obamaHargeisa(WJN) Madaxawayne Obama ayaa  ka jeediyay Khudbadiisii u danbeysay ee uu kaga tagayay  xilka  Madaxweyne nimo  Magaalada Chicago, khudbadan ayaa uu kaga  hadalay arrimo laxidhiidha  intii uu xafiiska  hayay.

“Dhinac walba marka loo eego Maraykanku imika waa uu kafiicanyahay sidii uu ahaa 8 sano kahor, waa dal xoog badan”Mr. Obama ayaa yidhi.

Waxa uu ka codsaday  dhamaan  Dadka Maraykanka ku dhaqan ee kala duwan inay  isku ixtiraamaan aragtiyahaooda kala duwan, oo ay is dhagaystaan.

Obama ayaa ah Madaxwaynihii u horeeyay oo Madaw Maraykana, waxa uu xilka ka tagayaa isaga oo da’diisu tahay 55 jir . Obama ayaa  sannadii 2008  si wayn loo doortay isaga  oo ay dadku ku doorteen  farriin

rajo iyo Isbadal uu sheegay.

Madaxwaynaha xigaya  Obama Donald Trump ayaa sheegay inuu badali doono siyaasado uu Obaman  saxeexay in la hirgaliyo.

.Mr Trump ayaa loo dhaarin doonaa xafiiska Madaxwaynaha  20 January.

Mr. Obama waxa uu sheegay  inay kamid tahay  calaamadda  domoqraadi ee lagu yaqaanno Maraykanka  in madaxwaynayaashu si nabadi ku dheehantahay xilka ay iskugu wareejiyaan.

Laakiin waxa uu yidhi “Dimoqraadiyadeenu qiima mayeelanayso haddii aanu cid walba haysan fursad dhaqaale”.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

Source : BBC World Service

COMMENTS
LINKS