Bal Aan Dhowrno Waayaha Ruqsad Kala Noqoshadii Shirkadii Total Ee Shidaalka Keeni Jirtay Iyo Tan Selesom Waa Isku Mid!!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bal Aan Dhowrno Waayaha Ruqsad Kala Noqoshadii Shirkadii Total Ee Shidaalka Keeni Jirtay Iyo Tan Selesom Waa Isku Mid!!.
January 26, 2017 - Written by Editor:

(Muhiimadu Waa Halka Qaranka Looga Adeegayo In ay Umadu u Sinaato oo Aan Cid Gaar ahi Qalinka Qaranka ku Shaqeysan)

Ninka siyaasiga ahi waxa uu awood u leeyahay in uu dan gaara kaaga dhigo dan qaran isaga oo kaaga faaiideysanaya duruufaha markaa taagan oo ay weheliyaan tabasho iyo dareen umada ku sii jirey oo uu la eegto fursad caadifadu cirkaa marayso iyo inaga oo u dhalanay umad aan xisaabtamin oo aan taariikhdu hagin, ileyn waa in aad garan kartaa maxaa kuu soo kordhay maxaase kaa dhacay oo aad qiyaas qaadataa mudadii 10kii sano ee ugu dambeeyay ama 15sano ee la soo dhaafay qaran ahaan.

Marka aan sidaa leeyahay ha u fahmin in aan anigu shirkadaha TELESOM,DAHABSHIIL iyo ganacsatada garab siinayo ama ku gargaarayo in ay umada sii dhiig miirtaan laakiin waxa ii muuqata in arinkaasi oo hoosta kuwato Dano gaara oo aaney ka madhneyn in fursad la isla eeganayo qorshaysnayd oo la inoo tusayo danteena marka aad eegto degdega ku jira iyo iyada oo aan waxba si cilmiyeysan oo daraasadaysan loo eegin loogana baaraan degin laakiin aynu garan doono maalin aan maanta ahayn marka ay nolosheenu isla halkii meel ka Adag istaagto ileyn xalkii rasmiga ahaa intan imika la sameeyay maahee.

TOTAL IYO ZAAD

Waxaana marag ma doon ah in qorshe kasta oo aynu ku soo dhaweynay ka bulsho ahaan in uu dalkeena saameyn togan oo dhaqaale iyo horumar u keenayo oo ay dawladeenu inoo soo bandhigtay hadana hoosta ay kaga lifaaqan tahay dano gaara iyo naas nuujin cidkale, waxaana aynu ognahay oo ka dharagsanahay in dantii guud iyo waxii dawladu maamuli jirtay oo dhan ay la wareegayaan shirkado gaar loo leeyahay midwalbana lala eeganayo jaanis ay dadku caadifadaysan yihiin dhibaato dhaqaale daro na taagan tahay.

Waxa tusaale lama ilaawaan ah ii ah aniga wakhtigii xisbiga kulmiye ku jirey kaambaynkii doorashada madaxtooyada ayaa waxa ay aad uga hadli jireen in cid gaara loo xidhay shidaalka dalka (TOTAL) Hadii total laga saaro meesha aynu helayno shidaal jaban oo nolosha saameyn togan ku yeelan doona, maxaa xigey TOTAL meeshii waa laga saaray, waxba ismey badelin oo halkeedii ayuunbay taagnayd noloshii iyo qiimihii shidaalku, Aakhirkiina halkii loo dan lahaa iyo in cid gaara dib loogu xidho ayaa timid.

 

Qalinkkii Masuul ka faalooda Arimaha Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Somaliland Mohámed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS