Xukuumada Oo Si Badheedha U Hor Istaagtay Gaadhi Dhawaan Xisbiga Wadani Ugu Deeqay Degmada Ceelal Ee Gobolka Saraar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Si Badheedha U Hor Istaagtay Gaadhi Dhawaan Xisbiga Wadani Ugu Deeqay Degmada Ceelal Ee Gobolka Saraar
December 11, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wararka soo if baxaya ayaa sheegaya in wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi uu si badheedha u hor istaagay gaadhi uu dhawaan xisbiga WADDANI ugu deeqay degmada Ceelal ee gobolka Saraar.

Waxaana gaadhigan ay xisbiga WADDANI siiyeen ciidamada booliska degmada uu yahay gawaadhida loo yaqaano Surf-ta (Seeraf) iyada oo la sheegay inaanay haysan ciidamadu wax gaadhi ah oo ay ku haw galaan.

Waxaana sida la sheegay ay dhawr jeer maamulka iyo waxgaradka degmadu baaq u direen xukuumadda isla markaana ugu baaqeen inay daboolaan baahiyo ka jira  degmada balse wax fulin ah ay ka waayeen xukuumadda.

Gaadhigan ayaa waxa la sheegay markii uu xisbiga WADDANI ugu deeqay degmada Ceelal in uu si badheedha u hor istaagay wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi kaasi oo maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada ee degmadana ku wargeliyay inaanay gaxaysan Karin gaadhigasi intaasi kadib-na waxa uu gaadhiigii kusoo xareereyey xarunta ururka dhalinyarada SOYVO ku leedahay Magaalada Burco.

Ilaa hadda lama garanayo sababta uu wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada somaliland u hor istaagay gaadhigan ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI siiyeen degmada Ceelal oo ay ka jirto baahiyo badan oo u baahan in la daboolo.

COMMENTS
LINKS