Xukuumada Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Maalmaha Soosocda Shir Uga Furmayo Magaalada Adisababa Ee Dalka Ethiopia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Maalmaha Soosocda Shir Uga Furmayo Magaalada Adisababa Ee Dalka Ethiopia
December 3, 2016 - Written by Editor:

Adisababa(wajaalenews)Ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay bilowga wada hadaladan. Laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in xukuumadda Somaliland ay dalka Itoobiya maalmahan u dirayso wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaanay Addis Ababa kula kulmayaan wefti ka socda Khaatumo oo loo magacaabay wada hadalada Somaliland.

Geesta kale, waxa la filayaa inay xukuumadda Somaliland dalka Imaaraadka Carabta u dirto wefti kale, waxaana la filayaa in weftigani u tagi doono dalkaas heshiiskii dhex maray Somaliland iyo shirkadda DP world ee ku saabsanaa dekedda Berbera.

Hargaysa

Wajaalenews

 

COMMENTS
LINKS