Xogo Kashifay In Axmed Muumin Seed Musharax Madaxweyne Ku Xigeen U Noqonayo Faysal Cali Waraabe Iyo Shirar Hoose Oo ay Wada Yeesheen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xogo Kashifay In Axmed Muumin Seed Musharax Madaxweyne Ku Xigeen U Noqonayo Faysal Cali Waraabe Iyo Shirar Hoose Oo ay Wada Yeesheen
December 9, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)dec.9,2016-Warar xog ogaal ah oo aanu ka helayno ilo wareedyo u dhun daloola xisbiga UCID ayaa sheegaya in gudoomiyaha xisbiga UCID ahna murashaxa xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe uu siyaasi Axmed Muumin Seed uu usoo bandhigay qorshe ah inuu noqdo murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID.

Waxaana xogahani ay noo sheegeen in labadan siyaasi ee Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Muumin Seed uu kulan qarsoodi ahi ku dhex maray hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa kaas oo uu Faysal usoo bandhigay Axmed inuu u noqdo murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID,kaas oo aan lagu dooran shirwaynihi ay qabsadeen xisbiga UCID ee dhacay 8-november ee sanadkan aynu ku guda jirno lagu ansixiyay murashaxnimada Faysal Cali Waraabe isla markaana lagu wargeliyay inuu muddo 45 cisho ah kusoo doorto murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID.

Waxaana mudada u hadhay Faysal inuu kusoo doorto murashaxa madaxwayne ku xigeenkiisa ay tahay 14 cisho,waxaana uu dadaal ugu jiraa sidii uu usoo xulan lahaa murashaxa madaxwayne ku xigeenkiisa.

Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay inuu Axmed Muumin Seed uso bandhigay inay kusoo biiraan garabkiisu xisbiga UCID isna uu noqdo murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID,balse mudane Seed ayaa Faysal ugu warceliyay inuu garabkiisa kala soo tashan doono.

Gabagabadiina waxaan ilaa hadda la garanayn in uu Axmed Muumin Seed aqbalay iyo inuu diiday toona qorshana la sheegay inuu Faysal Cali Waraabe ula yimi ee ah inuu noqdo murashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID .

 

 

 

COMMENTS
LINKS