Xilliga Guga Waxaa laga fishaa Afar Dirir Roobaad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilliga Guga Waxaa laga fishaa Afar Dirir Roobaad.
December 26, 2016 - Written by Editor:

Dirir Daydo: waxaa la fishaa dabayaaqada bisha Maaris, waana roob deggan oo dhibco yayar oo aan lahayn onkod iyo dabayl. Mar haddii dhibicdiisa yaryar ee deggani dhulka aad u gelayso, oo aanu daadku rogmanayn, cawska ayaa aad u baxa.

Dirir Seermawaydo: waa roobka caadi ahaan gugu ka curto, wax uuna ku beegan yahay badhtanka bisha Abril, waana onkod iyo hillaac miidhan oo dhibco waaweyn.

Dirir Cawleed: wax uu galaa bisha Meey, waana roob dabayli waddo oo dheereeya oo halkii aad ka filaysay meel aan ahayn u booda.

Dirir Sagaale: wax uu da’aa bisha juun mana tayo badna.

Haddii aad maqasho berisamaad iyo gu hagaagay waa afarta dirir oo wada roobbanaada.

Ibrahim Deria waa taas ee maxaad ku daraysaa?

COMMENTS
LINKS