|
|||||
WAJAALE NEWS
Xilliga Guga Waxaa laga fishaa Afar Dirir Roobaad.
December 26, 2016 - Written by Editor:Dirir Daydo: waxaa la fishaa dabayaaqada bisha Maaris, waana roob deggan oo dhibco yayar oo aan lahayn onkod iyo dabayl. Mar haddii dhibicdiisa yaryar ee deggani dhulka aad u gelayso, oo aanu daadku rogmanayn, cawska ayaa aad u baxa. Dirir Seermawaydo: waa roobka caadi ahaan gugu ka curto, wax uuna ku beegan yahay badhtanka bisha Abril, waana onkod iyo hillaac miidhan oo dhibco waaweyn. Dirir Cawleed: wax uu galaa bisha Meey, waana roob dabayli waddo oo dheereeya oo halkii aad ka filaysay meel aan ahayn u booda. Dirir Sagaale: wax uu da’aa bisha juun mana tayo badna. Haddii aad maqasho berisamaad iyo gu hagaagay waa afarta dirir oo wada roobbanaada. Ibrahim Deria waa taas ee maxaad ku daraysaa? COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|