Xabad Joojintii Dalka Suuriya Oo Maanta Dhaqan Gashay Iyo Dareenka Dalka Ruushka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xabad Joojintii Dalka Suuriya Oo Maanta Dhaqan Gashay Iyo Dareenka Dalka Ruushka.
December 30, 2016 - Written by Wariye:

ruush1Xabad Joojintii Dalka Suuriya Oo Maanta Dhaqan Gashay Iyo Dareenka Dalka Ruushka

Xabbad joojin dalka oo dhan ah oo ay ku heshiiyeen dawladda Suuriya iyo kooxaha fallaagada ahi ayaa dhaqan gashay.

Heshiiskan oo ah isku daygii u dambeeyey ee lagu doonayo in lagu soo af-jaro dagaalka sokeeye ee lix sano ku dhawaadka socday, ayaa waxa ka odayeeyey Ruushka iyo Turkiga waxaana taageeray dalal ay Iran ka mid tahay. Hase ahaatee Maraykanku gacan kuma laha.

Kooxaha dagaalamaya ayaa iyaguna muujiyey inay u heellanyihiin in wadahadalladii nabada dib loo bilaabo. Laakiin madaxweyne Putin ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid “ulo booca ku taagan”.

Dhawr kooxood ay ku jiraan kooxda la baxday Dawladda Islaamka iyo koox hore loo

odhan jiray Jabhadda Al-Nursra oo xidhiidh la lahayd Al-Qaacida, iyo sidoo kale maleeshiyada Kurdiyiinta ah ee magacooda loo soo gaabiyo YPG, oo Turkigu u arko koox argagixiso ah ayaan ku jirin heshiiskan.

Source:-BBCsomali

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS