Xaalada Nololeed Ee Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Ee Aan Haysan Daryeel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaalada Nololeed Ee Ay Ku Sugan Yihiin Dadka Qaba Xanuunka Dhimirka Ee Aan Haysan Daryeel.
December 20, 2016 - Written by Editor:

Waa magaalada hargeisa wakhtigu waa xili qaboow ah oo 15c’ ay gaadhayso cabirka heerkulku, qabowgu waa mid Habeen iyo maalin ba isku mid ah oo cadceed ma jirto,waayo waxa jira roob aan badnayn laakiin dhaxan iyo dabayl aad u qabow wata.

Jawigan isbedelay dabcan wuxuu bedelay hab nololeedkii bulshada oo badi isticmaalaya dharka dhaxanta celiya dab iyo dugsoon ayaa qof waliba ku suganyahay . Suuqa iyo meelihii cawaysku waxay xidhmaan oo laga rawaxaa wakhti hore.

dadka dhimirka wax kaqaba 2

Hadaba saaxiibayaal ma ogtahay in ay jiraan umad inaga mid ah oo aan lahayn meel ay kaga badbaadaan dhibta iyo dhaxanta jirta oo hoygoodu yahay darbiyada iyo dariiqyada oo waliba ay u dheer tahay caafimaad daro iyo xanuunka dhimirka.

Dadkan wehelkoodu waa eeyda iyo bisadaha saaxiibka darbi ka joogaa waa dhaxan iyo gaajo.

Runtii waa xaaalad aad u adag nolosha dadka qaba xanuunka dhimirka waxaan Habeen walba la kulmaa boqolaal jiifa darbi oo dhaxan iyo daranyo dhigay  sida idiin muuqata waa nin qaba xanuunka dhimirka oo jiifa meel gidaar ah oo badhtamaha suuqa ah ninka lagu magacaabo rakad maxamed suuldaan ayaa la kulmay ninkan iyo ehel kii ugu ka agdhawaa wakhtigaa oo ahaa eyga agfadhiya runtii rakad wuu dadaalay intii kaeaankiisa ahayd Waxaanu u soo iibiyey buste wax wayn u taraya xiligaa uu miskiinkan kula kulmay darbigii uu jiifay .

dadka dhimarka waxkaqaba 1

Hadaba yaa lahaa masuuliyada umadan dhibaataysan Maxaa uga Dan ah horumarka iyo daaraha dhaadheer ee hargeisa laga dhiso hadh iyo Habeen .

mar hadii uu darbigaa jiifo oo ehel

Qodobka 17aad ee dastuurka somaliland wuxuu sheegayaa in dawladu masuul ka tahay daryeelka dadka qaba xanuunka dhimirka ee aan haysan daryeel waajibaadkaana waxa fulinaysa wasaarada caafimaadka Sida dastuurku dhigayo .

laakiin nasiib darada jirtaa waa bar kumataal oo cidina waxba uma qabato ilaahayna dad iyo dalwadba wuu inagu eegayaa aakhiro way dambaysaa

Allaa u Maqan

Qalinkii Cabdi casiis Maxamed Maydhax

COMMENTS
LINKS