DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Markii Uhoraysay ka Hadlay Tartankii Adkaa Ee Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Hirdankii Talada Dalka Ee Xisbigii UDUB, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Markii Uhoraysay ka Hadlay Tartankii Adkaa Ee Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Hirdankii Talada Dalka Ee Xisbigii UDUB,
December 14, 2016 - Written by Editor:

“Waxaa Laga Yaabaa In Dadka Qaar Yidhaahdaa Cabdicasiis Iyo Muuse Biixi Wuwii Daahir Rayaale Ridayay Ayay Ahaayeen, laakiin Maanu Ridayne Qolo kale Oo Talada kala Wareegaysay Uun Baanu Ahayn.”CABDICASIIS SAMAALE

BORAMA(W,N) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa khudbad uu ka jeediyay madal ay xisbiga ulmye kusoo biirayeen xildhibaano katirsan deegaanka Boorama iyo baki wuxuuna marki u horaysay a hadlay tartankii adkaa ee dhexmaray muuse biixi iyo sidoo kale wuxu ku dheeraaday hirdankii adkaa isna ka dhexeeyay xisbigii UDUB IYO KULMIYE Xiligii ay ku loolamayeen doorashadii madaxtooyada , waxana uu sheegay in tartanku kamid yahay sunneyaasha dawliga ah, isla markaana  muhiimaddu tahay  in aanay ka dhalan colaad iyo cunfi, waxana uu xusay inaanu wax  nacayb ah reebin tartankii ay hore ula soo galeen xukuumaddii   uu hoggaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu yidhi,“Markay xisbiyadu tartamayaan mar baa loo maleeyaa inay dagaallamayaan, laakiin lama dagaallamayo, xisbigii talada dalka hayn jirey ee UDUB xisbi adag buu ahaa xaqiiqdii , haddii aan xisbi kale oo adag oo kubadda la ciyaaraa jirinna Somaliland meesha ay soo gaadhay may soo gaadheen, waxana laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaa Cabdicasiis iyo Muuse Biixi kuwii Daahir Rayaale ridaysay Ayay Ahaayeen, laakiin maanu ridayne qolo kale oo talada kala wareegaysay uun baanu ahayn.”

xisbiga kulmiye borama cabdicasiis samaale

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu mudane Samaale markii ugu horraysay ka hadlay loollankii adkaa oo hore uga dhex dhacay xisbiga KULMIYE, kaas oo uu qayb ka ahaa, waxana uu shaaca ka qaaday inaanu tartankaasi wax turxaan ah reebin, isla markaana uu haatan si kal iyo laab ah ula shaqaynayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,“Xisbiyada gudahoodana tartan baa ka jira. Marka xisbiga gudihiisa uu tartan ka dhacana waxa uu keenay midnimo xisbiga ah iyo xisbigu inuu yahay xisbi  mballaadhan oo dad damac leh oo rabitaan lihi ay xisbiga ku jiraan, waxase aad muhiim ah inaanu tartankaas gudaha ahi aanu xisbiga baabi’in, waxana la odhan karaa tartankii xisbiga KULMIYE muddo dheer ka jirey muu baabi’inin xisbiga, inkasta oo dad qiimo lihi laga yaabo inay xisbiyo kale galeen, taasina ay nolosha kamid tahay oo aanay ceeb ahayn, laakiin labadayadii garab ee ugu adkaa, garabkii uu Muuse hoggaaminayey iyo garabkii aan hoggaaminayey in aanaan kala tagine mid baanu nahay, waxana aan idiin sheegayaa inaanaan maalin kaliya ku kala tagine  uu ahaa dagaal qadhaadh oo xisbiga gudihiisa ah uun oo qof waliba uu doonayey inuu hanto hoggaaminta xisbiga, isagaana(Muuse Biixi) ku guulaystay, anna isaga ayaan dhisayaa” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS