|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixin: Somaliland Sidee Ayaa Looga Hirgelin Karaa Biyo Xidheeno Ama Dhaam Biyood Kuwaas Oo Dooxyadda Looga Faa’iidaysto
December 2, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews) Somaliland waa dal, deegaan ahaan aam laheyn Webi Biyeedyo balse waxa dhex mara Dooxyo Biyuhu ku soo rogmadaan, kuwaas oo aan la aqoon tiro ahaan, Biyahaasi Doox Biyoodyadaasi maraa ay si toosa u galaan Badda, mana jirto cid ka faa’iidaysata Biyahaasi bada ku dhamaada iyada oo ay jiraan Abaaro dalka ku soo noqnoqda oo dad iyo Duunyo si togan u saamaaya isla markaana aanay jirin Goobo Dhaam Biyood ama Biyo xidheeno dalka hore looga sameeyey si wakhtiga abaaraha loogu sabato bax. Eng: Ibraahim Cumar Axmed (Dhagalaab), waa aqoonyahan mudo dheer ka soo hawlgalaayey Biyo Xidheenadda iyo Dhaam Biyoodka sida looga shaqeeyo isaga oo 7-dii sanno ee u dambeeyey Hay’addo iyo ururo Caalami ah kala soo shaqeeyey Mashruucyo Qodista Baliyo iyo Meelo Biyaha lagu Kaydiyo ka mid yihiin, waxaana Waraysi Xor Waran ah oo uu Eng. Ibraahim Dhagalaab la yeeshay Wariye Cabdi Wali Cali Ismaaciil oo Wargeyska Saxansaxo ka tirsani uu xog waranka uu kala yeeshay sida Somaliland ay u noqon karto dal yeesha Biyo Xidheeno laga hirgeliyo iyo Dhaam Biyood sida ay suurto gal u noqon karto arintaasi si wakhtiyadda Abaaraha umaddu uga faa’iidaysato iyada oo dhanka kale dhaqaale ahaan iyo Aqoon ahaan siday suurto gal u tahay inay Somaliland u heli karto mashruucaasi si loogu guulaystan kar dhismaha Dhaam Biyoodka uu sido kale warbixinta Khabiirkani ku iftiimiyey. Xog warankan ku saabsan sida ay Somaliland u suurto gali karto Hirgelinta Dhaam Biyood ama Biyo Xidheeno Looga Faa’iidaysto Biyaha Xoodyada Ku Rogmada ee Badda Gala iyo Sida ugu Haboon ee Somaliland ugu guulaysan karto waxa uu u dhacay Waraysiga muduuwan ku saabsan ee aan la yeelanay Ibraahim Cumar Axmed (Dhagalaab) sidan. Su’aal: Waa Maxay Carqalada Ugu Weyn Ee Hortaagan Inay Somaliland Ka Faa’iidaysato Biyaha Dooxyadda Rogmadda Ama Loo Sameyn La Yahay Biyo Xidheeno ? Jawaab: “Waxyaabaha ugu waa weyn ee hortaagan in la sameeyo Biyo Xidheenadda, waxa weeye laba arimood, midi waa bulshaddeena oo aan Aqoon badan u laheyn Biyo xidheenadda iyo mida 2aad oo ah awood dhaqaale dalkeena oo ah dal iska kooban aan saamaxayn, labada arimoodba waan u arkaa inay yihiin kuwa ugu waa weyn ee hortaan arintan” Su’aal: Eng. Ibraahim Suurto Gal Ma Tahay In Deegaanadda Somaliland Laga Hirgeliyo Dhime Biyo Xidheeno Si Wakhtiyada Loo Baahdo Looga Faa’iidaysto ? Jawaab: “Haa suurto gal way tahay oo horta deegaanadu waa laba nooc , labada meelood ee dhulka loo qaybiyona meeli waa meel Dhul Doox ah oo Biyo maraan, midina waa dhul Banaan oo aan wax dooxa laheyn sida dhulkeena Hawdka Alaybaday ilaa Balidhiig ilaa Buuhoodle, waa dhul siman oo Dhaaman ayaa laga qodi karaa, marka dhulku waa laba nooc oo midna waa ka la qodaayo ee Biyaha lagu fadhiisinaayo oo Dooxyadda ayaa la joojinayaa, marka Dooxyadda waxa lagu sameeyaa wax la yidhaahdo ( Water Freezing) oo Biyaha ayaa la Beera oo marka Biyaha la joojiyo ee la hakiyo Ciid ayaa soo Baddanaysa oo soo kordhaysa, dabadeed Biyihii ayaa kor u soo kacaaya oo taasi way fududahay oo imikaba meel laga sameeyey way jirtaa oo Hay’adduhu way sameeyeen in kasta oo aanay aheyn wax 100% guulaystay oo wax anfacaaya dadka aheyn imikaba gobolada meelo laga sameeyey hadana way jiraan waana iska tijaabo uun, laakiin kuwa Hawdka laga samaynayaa waxay u baahan yihiin in Dhaam weyn la qodo dhaqaale la galiyo si fiican oo Farsamadiisu haboon tahayna loo fadhiisiyo, waxa jira in Baco la dhigo Baliyadda, waayo dhaamkii Biyihii ma haynaayo , Biyihii wax haya ayaa loo baahan yahay marka” Su’aal: Yaa Masuuliyadda Leh Oo Ay Saaran Tahay Inay Dalka Somaliland Ka Hirgaliso Dhaam Biyoodyo ? Jawaab: “Kolay Horta cida waajibku saaran yahay waa dawladda, cida loo igmadayna waa Wasaaradda Biyaha iyaga ayaa hawsha iska leh oo door ku leh, iyo bulshadda lafteeda waayo horta bal waa in waxani waa baahi jirta ee laysla fahmo oo dadka laftiisu uu garto inay baahi weyn u qabaan, marka wasaaraddiina waa inay ka hawlgashaa oo fahanto in waxan baahida loo qabo , bulshaddana waxa jirta bari aanu is nidhi Bali ka qodo in xata deegaankii aanu ka qoda ay dadkii deegaanku ku odhanayaan Baligu Xaaluf ayuu keenayaa oo Biyaha ayaa ku ururaaya iyo waxyaabo noocaas ah, marka bulshadda deegaanadda laga qodilahaa Biyo xidheenaddu horta xata waxay u baahan yihiin in la fahansiiyo baahida jirta iyo Ceelka loo qodo faa’iidadiisa oo bulshadda lafteedu ay doorkooda qaataan oo waxan fahmaan” Su’aal: Somaliland Ma Laga Heli Karaa Khabiiro Ama Engineero Aqoon U Leh Xidhitaanka Dhaam Biyoodka Hadii Dhaqaale Lagu Dhiso La Helo ? Jawaab: “Haa way joogaan oo Somaliland waa laga heli kara, waayo qalabkiina waa la helayaa, laakiin waxay u baahan tahay Siyaasaddeeda, qorshaheeda iyo dhaqaalaheeda intaba in la diyaariyo” Su’aal: Engineer Bal Waxaad Yar Sharaxdaa Tusaale Ahaan Cabir Intee Leeg Ayaa Loo Baahan Yahay Dhaam Biyoodka Ugu Haboon Ee Deegaanadda Somaliland U Baahan Yihiin Si Biyaha Loogu Kaydiyo ? Jawaab: “Waxay ku xidhan tahay kolba Deegaan walba inta uu leeg yahay iyo inta deegaanadda qaybo laga kala dhigo in Dhaaman ku filan Deegaankiiba loo sameeyo, tusaale ahaan Deegaan yar oo dhanka Bariga Somaliland ahaan ka imid qolo waddaado ah ayaa degan, waanu tagnay Bacbaanu dhignay Biyihii hore iyaga oo ku jira ayey kuwii dambe ku soo gaadheen, in kasta oo aanu bulshadda deegaanka ku xeeran wada dabooleyn baahidooda hadana Biyaha halka ku jiray Biyo aad u Xajmi badan weeye, marka tusaale ahaan hadii deegaan kasta oo Tuulooyin badan ka koobanba, hadii laba Dhaam Biyood laga sameeyo oo Mitir Kuyubigooduna badan yahay oo ilaa (200-Mitir Isku Weer) ah oo 5Mitir na hoos loo qodo, waxay noqonayaa Biyo kayd fiican oo deegaanadda ku filaan kara, hadii si fiicana loo hubiyo oo loo ilaaliyo tayadooda, wax cayiman oo Biyahaasi aanay ka baxayna la dhigo, waxaan ka hadlaynaa waa (200-Mitir Isku Weer) lagu dhuftay 5M oo hoos loo qoday Biyo aad u badan ayuu dhaamkaasi qaadi karaa, waxaan Qiyaas ahaan filayaa in wax ku dhaw $140,000 dollar (Boqol iyo Afartan Kun) ay ku baxayso halkii Dhaam Biyoodba” Su’aal: Ugu Dambeyntii Eng. Ibraahim Maxaad Talo Ahaan Xukuumadda Iyo Bulshadda Reer Somaliland U Soo Jeedin Laheyd Ama Aad Is Odhan Laheyd Waa Xalka Lagu Hirgelin Karo Dhisma Haro Biyeedyo Dalka Laga Hirgeliyo ? Jawaab: Waxaan ku talinlahaa oo u soo jeedinlahaa inay bal horta umaddeenu is waydiiso waar Saddexdan Bilood ee roobku da’aayo maxa ka dambaynaaya, dee waa Abaar iyo Biyo dhaamis waxa ka dambeynayaa, in loo fikiro Biyihiii qaabkii loo joojinlahaa iyo inay dawladdu doorkeedii qaadato oo khaasatan wasaaradda Biyuhu doorkeedii qaadato, isla markaana dadka (State Holders)-ka ah ama Biyaanu ka shaqaynaa yidhaahda oo Hay’addo faro badan ayaa yidhaahda Biyahaan ka shaqaynaa, Hay’addaha faraha badan waa in Kharashkooda iyo Miisaaniyaddooda la mideeyo, dabadeedna deegaan kasta ugu yaraan ha lama Laba Dhaam oo wax fiican oo umadda anfaca ah looga sameeyo dawladduna ay halka doorka 1aad ka qaadato oo hadii ay hawsha in Dhaam Biyoodyo dalka lago xidho ah hadii ay Miisaaniyaddeeda ku darsaneyso iyo hadii ay dadka kale lacag ka soo qaadaysaba, waa inay dadkii wax ka go’aayeen dawladdu iyadu isku keenta oo qorshe cad u sameysaa oo dabadeedna sannadkiiba intaas oo ceel meel laga qodi karo, sannadka dambena intaas oo Dhaam Biyood ayaa halka laga qodi karaa ay tiraahdo” Waraysi: Qaade Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|