War Degdega :Ururka Dhalinyarada Ee Heer Qaran Oo Maanta Doortay Gudoomiye Cusub Iyo magacyada Musharixiinta Tartamayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Degdega :Ururka Dhalinyarada Ee Heer Qaran Oo Maanta Doortay Gudoomiye Cusub Iyo magacyada Musharixiinta Tartamayay
December 28, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Dec.28,2016-Dallada dhalinyarada heer qaran ee SONYO oo labadii cisho ee u danbeeyey shirwaynahoodii Sideedaad ee yeeshaan  uga socday magaalada Hargeysa gaar ahaana Hotel Ambassador ayaa waxay ku doorteen gudoomiye cusub oo haga dalladan dhalinyarada Somaliland SONYO.

Waxaana shirwaynahan uu ahaa mid lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee hagi doona dallada dhalinyarada SONYO labada sano ee soo socda.

Waxaana booska gudoomiyaha dallada SONYO u tartamayay laba murashaxa oo kala ah Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Cabdicasiis Xirsi Warsame.

Waxaana loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha dallada dhalinyarada SONYO Cabdicasiis Siciid Saalax isaga oo Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa murashaxii la tartamayay uu u tanaasulay.

Ergooyinkii kazoo qayb galay shirwaynahan ayaa waxay sidaasi cod gacan taaga ku ansixiyeen Cabdicasiis Siciid Saalax inuu noqdo gudoomiyaha dallada dhalinayarada Somaliland ee SONYO .

 

COMMENTS
LINKS