War Deg-Dega:Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Saaka Laga Hor Istaagay In u Ka Qayb Galo Shirka Khamiislaha ah Ee Golaha Wasiirada Iyo Fadeexada ay Ka Dhaxli Karto Madaxtooyadu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Wasiirka Wasaarada Biyaha Oo Saaka Laga Hor Istaagay In u Ka Qayb Galo Shirka Khamiislaha ah Ee Golaha Wasiirada Iyo Fadeexada ay Ka Dhaxli Karto Madaxtooyadu
December 1, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews):- Wasiirka wasaarada biyaha Somaliand Baashe Cali Jaamac ayaa waxaa ay maanta ciidanka ilaalada madaxtooyadu ay ka hor isagateen in uu gudaha u galo xarunta madaxtooyada .Ciidanka ayaa wasiirka ku amrey in baadhitaan lagu sameeyo ka hor inta aanu gudaha u galin madaxtooyada oo uu maanta ka dhacaayey shirkii golaha wasiirada oo khamiis kasta dhaca

Baadhitaanka wasiirka ay ciidanku ku war galiyeen ayaa sida aanu xogaha ku helayso uu wasiirku ku gacan seydhay isla markaana muran xoogani ka dhex dhashe isaga iyo ciidanka ilaalada madaxtooyda .Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yahiin wasiirka Warfaafinta iyo gaashandhigu ayaa waxaa ay kala dhex galeen muranka cakiran ee hakiyey habsami u socodkii gali taanka madaxtooyada waxaana xoguhu intaas ku darayaan in uu wasiirkii dib uga laabtay madaxtooyada oo aanu ka qeyb galin shirkii golaha wasiirada

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegsaa xilli uu dhawaan wasiirkani dhaliilo xoogan u soo jeediyey wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo uu iftiimiyay awooda dheeraadka ah ee uu isticmaalo isaga iyo wasiirada ay isku haybta yihiin oo inta badan cabasho wayn ay ka muujiyaan wasiirada kale ee dhigooga ah, waxaanay tani noqonasaa fadeexadii ugu waynayd ee ka dhacda aqalka looga arimiyo madaxtooyada.

 

Hargaysa

Wajaalenews

 

 

COMMENTS
LINKS